Wasiirka Beeraha Oo Furay Shirka Billaha Ah Ee Wasaaradda Iyo Hay’adaha Ay Wada-shaqaynta Leeyihiin

Hargeysa (WHB) – Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Maxamed Habanne oo uu weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa Maanta furay Shirka billaha ah ee Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin ee dalka ka shaqeeya.

Shirkan oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Beeraha JSL ee Magaalada Hargeysa isla-markaana ay soo qaban-qaabisay Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Beeraha, ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin ka hor-tagga Ayaxa ku habsaday meelo dalka ka mid ah iyo waxyaabaha ka hirgalay shaqooyinkii hore loo qabtay.

Furitaanka Shirkan waxa marka koowaad ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Beeraha Maxamuud Warsame Jaamac, kaasi oo si kooban uga hadlay qorsheyaasha Wasaaradda ee wada-shaqaynta Hay’adaha dalka jooga, si hawlaha qaranka sida ugu wanaagsan loogu qabto, iyadoo la raacayo siyaasadda uu dalka ku hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiirka Beeraha oo intaasi ka dib hadalka qaatay, ayaa soo dhaweeyay Madaxda shirka ku matalayey Hay’adaha kala duwan ee dalka ku sugan, waxaanu sheegay in muhiimadda koowaad ee Wasaaraddu tahay in dalku uu gaadho isku filaansho dhanka cuntada ah, sidaa darteedna ay hirgelinta qorshahaasi iskugu geynayaan awooddooda iyo aqoontooda.