Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cali Xasan Maxamed (Cali-Marreexaan) ayaa jawaab ka bixiyey hadallo la soo yeedhay Ilhaan Cumar oo ka mid ah senatarrada aqalka Congress ka ee dalka Maraykanka.

Wasiirka oo qoraal ku baahiyay bartiisa X (ee hore loo odhan jiray Twitter) ayaa sheegay in aanay ahayn markii u horreysay ee ay xildhibaan kan ka soo yeedhaan erayo nac iyo xanaf ka la dhex dhigaya dadka Soomaalida ah.

Waxaana uu qoraalka wasiirku u dhignaa sidan:

Ma aha markii u horreysay ee ay Ilhaan Cumar cadaawad weyn kala dhex dhigto Soomaalida. Waxa ay si aad ah lug ugu lahayd qalalaasihii ka dhacay magaalada Laascaanood. Bishii December 2022, waxa ay booqatay Garoowe, halkaas oo ay u dusisay qaar ka mid ah madaxda Soomaalida xog ku saabsan kulan dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo guddiga arrimaha dibadda ee Congress-ka Maraykanka oo ay xubin ka ahayd wakhtigaas. Aad bay ugu adkeysatay waxayna ku boorisay madaxda Soomaaliya in sida ugu dhaqsaha badan loo qaado tallaabooyin ka dhan ah Somaliland. Muddo bil ah ka dib na waxa magaalada Laascaanood ka qarxay colaad hor leh.

Waxa hubaal ah in ay ka mid ahayd jilayaasha ugu waaweyn ee nacaybka iyo kala qaybinta Soomaalida ka dhex abuuray. Markaa waxaa la joogaa waqtigii Ilhaan lagula xisaabtami lahaa khaladaadkeeda.