Wasiirka Beeraha Oo La Shiray Wefti Ka Socda Baanka Adduunka

Hargeysa January, 18, 2024 – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Axmed Maxamed Habbane, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti sare oo ay hoggaaminaysay Mss Chantal Richey oo ah khabiir ka tirsan Baanka Aduunka.

Intii kulankaasi socday waxay labada dhinac ka wada hadleen mashaariicda Barwaaqo iyo FSRP ee baanka adduunku uu ka taageerayo Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo sidii loo dardar gelin lahaa wada shaqaynta labada dhinac loona qaban lahaa waxqabad midho dhal fiican keena.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Axmed Maxamed Habbane ayaa waftiga war bixin ka siiyey habsami u socodka mashaariicda wasaaraddu gacanta ku hayso isla-markaana looga wada shaqayn lahaa horumarka, loogana hortegi lahaa caqabadaha jira.Kulankan waxa Wasiirka ku wehelinayay u qaabilsanaha mashruuca Barwaaqo Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdirisaq Shaafi iyo la taliyaha Wasiirka Cumar Cali.

Ugu dambayn, Wasiir Habbane ayaa u mahad-celiyey saraakiisha ka socotay World Bank wada shaqaynta fiican ee la wadaan Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.