Wasiirka Caafimaadka oo socdaal ku tegay Buuhoodle

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-Toosiye” ayaa waxa uu maanta socdaal shaqo ku tegay Buuhoodle oo ay muddooyinkii u dambeeyey farogelin amnidarro ka wadeen koox uu hoggaaminayo nabad diidka Cali Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, waxana wasiirka halkaa ku soo dhoweeyey boqolaal ka tirsan dadweynaha Buuhoodle, isagoo markii uu duleedka magaalada gaadhay salaan ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka Qaranka ee gudaha magaalada ku sugnaa ahna ciidankii uu wasiirku hore uga sameeyey halkaasi.

Wasiirka  ayaa isaga oo ku sugan Buuhoodle ka  warbixiyey ujeedada socdaalkiisa iyo talaabooyinka uu illaa hadda qaaday waxana isagoo arrintaa ka hadlaya uu yidhi:

‘‘Buuhoodle waan joogaa waxaan u imid in aan reer Buuhoodle u sheego oo ku wacyigeliyo in ninkan dabka la wareegaya (cali khaliif) uu si nabad ah uga tago oo ay ka shaqeeyaan inuu si nabad ah uga baxo dalka, arintaa waxgaradka waa ka wada hadalnay waana ku maqan yihiin, waana lama huraan in dadka reer Buuhoodle oo ah dad aad iyo aad u caqli badan ay fahmaan dhibka uu la wareegayo oo  ku khasbaan inuu Cali magaalada ka baxo.’’

Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) waxa uu iftiimiyey mowqifka dawladda Somaliland ee ku aaddan adkaynta nabadgelyada Gobolkaasi waxana uu yidhi:

‘‘Somaliland waxay jeceshahay oo aad u qiimaynaysaa in aan dhib iyo colaadi ka dhicin meesha, sababta aan halkan u imidna waa amar Madaxweyne oo ah inaan wax dhib ah ka dhicin magaaladan (Buuhoodle).”

Wasiirku waxa uu intaa raaciyey hadafka cadaawadu ku dheehan tahay ee Cali khaliif iyo xubnaha la socda ee xamar kala yimid ay ku waxyeelaynayaan nabadda Buuhoodle iyo guud ahaanba nabadda Somaliland, waxaanu yidhi:

‘’Cali Khaliif waxa uu doonayaa in meeshan colaadi ka dhacdo oo dhiig ku daato, taasna aniga iyo dawlada Somaliland iyo shacabka Buuhoodle midna diyaar uma aha, joogitaankayga halkana waxaa ugu muhiimsan in aan kashifno oo aan waxba ka suurtogelin ololaha beenta iyo xaaraanta ah ee uu Cali khaliif halkan ka wado waana sii joogayaa insha allaahu’’.

Dhanka kalena Wasiirka caafimaadku waxa uu tilmaan ka bixiyey xaalada nabadgelyo ee deegaankaasi ku sugan yahay iyo mowqifka Somaliland ee ku aadan ilaalinta ammaanka gobolkaasi iyo guud ahaanba dalka waxana isagoo arintaa sharaxaad ka bixinaya wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa:

‘‘Buuhoodle nabad baa xiligan ka jirta, colaadii way ka baxeen, Somaliland waxay diyaar u tahay in ay nabadaa koriso, weynayso oo ilaaliso, dhib dambana aanu ka dhicin, laakiin ragga Xamar laga soo diray ee doonaya nabadda Somaliland inay dhaawacaan iyo cidda la shaqaynaysa meel kastaba ha joogtee hadaanu xukuumadda Somaliland nahay midna ka yeeli mayno inay dhib iyo colaad ka abaabulaan Buuhoodle, dadweynaha reer Buuhoodle-na diyaar uma aha inay dib ugu noqdaan colaadii iyo mugdigii’’.

Tan iyo intii uu wasiirka ahaa Xaglo-Toosiye waa markii labaad ee uu safar shaqo ku tago Buuhoodle.

Xaglo_toosiyo_oo_Buuhoodle_tagay _2

bandhige@gmail.com