Masuuliyiinta maxkamadaha gobolka Awdal oo isbadalkii ugu weynaa lagu sameeyey

Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula kala wareegeeyey gudoomiyayaasha maxkamadaha gobolka Awdal kan degmada iyo tan Rafcaanka ka dib markii dhawaan gudoomiyaha maxkamada sare ee Soomaaliland isku badal iyo isku shaandhayntii ugu balaadhnayd ku sameeyey hay’ahada garsoorka gobolka iyo degmada.

xaflada xilwareejinta oo maanta ka dhacday xarunta maxkamada gobolka Awdal ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiinta hay’adaha garsoorka ee kala duwan,maamulka gobolka,culimo,haween iyo marti sharaf kale.

ugu horayn waxaa madashaas ka hadlay gudoomiyihii hore ee maxkamada Rafcaanka gobolka Awdal Sahal cabdilaahi Xirsi oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin maanta in ay dad dhalinyaro ah ku wareejiyaan xilkii ay horay uga hayeen garsoorka,waxaa sidoo kale kaalintiisa qaatay Sheekh Maxamed Siciid Saaweer oo ahaa gudoomihii hore ee maxkamada degmada Boorama waxaanu sheegay: ” in ay hayeen xilka ugu culus kaasi oo u badnaa ayuu yidhi qoys is khilaafay taasi oo ay adag tahay khilaafka ka dhax aloosma lamaanaha is qaba.

waxaa isna markiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xilka maanta ku wareejiyo arday ka mid ah kuwii uu wax soo baray gudoomiyihii hore ee maxkamada gobolka Awdal Cabdiraxmaan Geedi Barre.

Gudoomiyayaasha xilka la wareegay oo uu ugu horeeyey Idiris Faarax Cige oo la wareegey xilka gudooyiaha maxkamada Rafcaanka ee gobolka ayaa sheegay in cadaalada iyo sinaantu tahay aas aaska nabada iyo wada noolaashaha waxaanu dadweynaha ka codsaday in ay qabyaalada ka ilaalinyaan xarumaha garsoorka. sidoo kale gudoomiyaha maxkamada gobolka loo soo magacaabay ayaa ilaahay ka rajeeyey in xilkooda u fududeeyo, Sheekh Aadam Cabdilaahi oo loo soo magacaabay maxkamada degmada ayaa isna sheegay in loo soo igmaday xil culus una baahan in dhinacyada la isla qabto.

Sheekh Cabdilaahi sheekh Cali Jawhar oo madasha dadkii soo gabagabeeyey ahaa ayaa sheegay in cadaalada sameynteeda looga baahan yahay mas’uuliyiinta hay’adaha garsoorka waxaanu intaas ku daray heshiisiintu in ay wax walba fure u tahay taasina marka hore in aad dacwadaha la qaadin lagu dayo, sidoo kale sheekhu waxa uu duray garyaqaanada kuna sheekay nimanka cadaalada mushkilad ku ah tusaale ahaan buu yidhi sheekhu hadii aad ku tidhaahdo waxaa la iga haysataa Awr xaga danbe dameer ah xaga horena wax kale ah ku odhan maayo buu yidhi waxau suuro gali maayo ee anaa hagajinaya uun buu odhan, markaa sheekhu waxa uu codsaday in garsoorka laga daayo dilaalka iyo malaalka.

ugu danbayn waxaa xilka u kal wareejiyay oo goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka gobolka Awdal Axmed Diiriye oo dhamaan khayr u rajeeyey.

IMG_20160118_093951 IMG_20160118_093951IMG_20160118_104807 IMG_20160118_104807

 

Xasan Ciise Raage

Borama