Wasiirka Deegaanka oo la Kulantay Wakiilka UNHCR

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo uu weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hayโ€™adda UNHCR.
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd in lagaga wada hadlo sidii wacyigalin dhinaca Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ah loo gaadhsiin lahaa Barakacayaasha iyo qeybaha nugul ee Hayโ€™ada UNHCR ka shaqeyso.
Waxa sidoo kale la isla soo qaadey qoddobo dhowr ah oo ku qotoma sidii labada dhinac ay uga wada-shaqeyn lahaayeen mabaadiiโ€™da ilaalinta Deegaanka iyo la qabsiga Cimilada.
Kulanka ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday isfaham iyo in lagu balamay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.