Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile, Waxa Uu Wareegto Wasiir Oo Summadeedu Tahay JWHG/DH&G/XW/151/2023, Ku Magacaabay Madaxa Maps-ka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.

Wareegtada Wasiirka Ayaa Udhignayad Sidan.

Ujeedo: Magacaabis

Markaan arkay baahida weyn ee loo qabo in la sameeyo Xafiiska Maps-ka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta. Isla markaana la dardargaliyo shaqada culus ee xafiiska uhayo Qaranka iyo Wasaaradaba.

Markaan arkay qodobka 5-aad, farqadiis 2-aad ee Xeerka Maamulka Dhulka iyo Magaalooyinka ee Xeer No 17, oo sheegay “In Wasaarada Hawlaha Guud mar kasta khasnadeed ku kaydineyso asalka(Original) Naqshaddaha Guud ee Magaalooyinka Dalka J.S.L, iyadoo nuqulo ka mid ah la siin doono Dawladaha Hoose ee dalka”.

Markaan ku qancay, aqoonta, xirfadda, iyo waayo aragnimadda Eng. C/xakiim Muxumed Aw Cabdi uu uleeyahay Maps-ka, isla markaana yahay khabiir aqoon durugsan uleh GIS-ka, kana mid ahaa injineeradii curiyey Maps-ka loo sameeyey dhamaan Magaalooyinkii Wasaaradu usameysay Master Plan-da.

Haddaba maanta laga bilaabo waxaan umagacaabay inuu ahaado Madaxa Maps-ka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta. Isagoo Xafiiskani noqon doona mid madaxbanaan oo toos uhoos yimaada Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta. Isla markaana lagu kaydin doono nuqulka kasta oo rasmiya oo ah, Mapska Beeraha Magaalooyinka iyo Maps dhammaan Magaalooyinkii laga sameeyey Master Plan-da.

Ugu danabayn masuuliyiinta waraaqdan ku socoto waxaan farayaa inay ku wareejiyaan dhamaan Maps-ka beeraha iyo Maps-ka dhamaan Magaalooyinkii laga sameeyey Qorahe Magaaleedyada ee ay hayaan, kuna garabgalaan shaqadaa cusub ee aan usoo magacaabay.

Allah Mahad Leh

Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile
Wasiirka WHG/DH&Guriyaynta

Bandhige@gmail.com