Wasiirka Maalgashiga iyo warshadaha ayaa shaaciyay Bandhigga Carwada Wax-soo-saarka wershedaha

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa shaaciyay qabashada bandhigga carwada wax soo saarka Wershadaha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in bandhigga carwada wax soo saarka wershadaha Somaliland uu noqon doono mid maalgashi, waxaanu bandhiggani furmi doonaa 10 bisha August, iyada oo ay ka soo qayb geli doonaan maalgashatada iyo wershadlayda Somaliland,sida uu wasiirku sheegay.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Maalgashiga iyo wershaduhu waxa uu sheegay in bandhiggani ka duwan yahay sannadkan bandhigyadii hore loo qaban jiray, isaga oo isugu jiri doona mid ay ka soo wada qayb galaan wershadlayda iyo maalgashatada dalkuba.

Waxa uu bandhiggan carwada wax soo saarka wershadaha Somaliland socon doonaa ilaa 16 bisha August.

Waxaanu yidhi. “Waxa la qaban doona carwo maalgashi iyo warshadeed kaas oo ka qabsoomi doona magaalada Hargeysa, gaar ahaan Hutel Guuleed ee magaalada Hargeysa, taariikhdu markay tahay 16 Aughst, carwadani waa mid sannadle ah, balse sanadkani way ka duwan tahay sanadihi hore waaney ka balaadhan tahay, waxaana ka soo qaybgeli doona maalgashata iyo warshadleyda, waxaaney isugu jiraan dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba”.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com