Wasiirka Maaliyadda oo bogaadiyey Waxqabadkii Waaxyaha ee Jan-June, una jeediyey dardaaran

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr. Sacad Cali ayaa bogaadiyey waxqabadkii waaxyaha Wasaaradda ee lix-biloodkii hore sannadkan, kulana dardaarmay inay dedaalaan ka soo bixitaanka waajibaadka ay Qaranka Somaliland u hayaan.

Kulan shalay ku qabsoomay Xarunta Xafiiska Xisaabaadka Guud isla markaana Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Muadinka} goobjoog ka ahaa ayaa Agaasimayaasha Waaxaha ka jeediyeen war-bixino ku saabsan waxqabadkii Waaxahooda ee January-June/2024. Kulankan oo ah lix-biloodle, waxa ay ujeedadiisu daaranayd sidii loo qiimeyn lahaa waxa Waax walba uga qabsoomay qorshaheedii; iyada oo si guud iyo gaargaar ahba la isu dul taagay waxna la isaga weydiiyey wixii ka fuliyey qorshihii loo dejiyey Waax kasta, hawlaha baaqday iyo asbaabaha ay u qabsoomi waayeen, caqabaddihii ka hor yimid xafiis kata iyo waliba fursaddaha muuqda ee ay tahay in laga faaiideeyo, si looga midho-dhaliyo bartil-maameedyada lix-biloodka danbe ee sanadkan 2024.

Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali oo kulanka soo xidhay ayaa guud ahaan masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sidii wax-ku-oolka ahayd ee ay iskaga xil-saareen meel-marinta waajibaadkii u yaalay, isaga oo Madaxda Waaxaha halkaa uga soo jeediyey dardaaran iyo hogatusaalayn waxa ka mid ahaa hadalkiisii sida tan: “Waxaan idiinku boorinayaa in lix-biloodkan danbe aynu dedaal dheeraada muujino, si aynu u daboolo Miisaaniyadda. Waa inaynu si wadar ah uga hawlgalo hawsha dakhli-soo-saarka oo ka mid ah kuwa halbawlaha ama udub-dhexaadka u ah waajibaadka aynu u idmanahay”.

Wasiirka Dr. Sacad ayaa tilmaamay in xooga la saaro dardargalinta hawlaha diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda ee kal-danbe {2025} iyada oo la raacayo jidwalka diyaarinta miisaaniyadda {Budget Calendar}. Sidoo kalena waxa uu madaxda Waaxaha iyo guud ahaan hawl-wadeenada Wasaaradda faray inaanay ku milmin arimaha siyaasadda iyo xafiiltanka siyaasaddeed ee u dhexeeya Axsaabta Siyaasadda Dalka, si aanu xagal-daac iyo dayac uugu iman hawlaha muhiimka ah ee aynu Qaranka u hayno.

Wasaaradda H.Maaliyada JSL waajibaad-keedu waa mid laga soo minguuriyey dastuurka, kaas oo dhigaya dejinta iyo maaraynta miisaaniyad ku haboon illaha dhaqaale ee Dalka, iyada oo masuul ka ah hubinta habsami-u-socodka nidaamka maaliyadeed ee ay u idmantahay, sida kor-joogtaynta iyo xisaab-celinta kharashaadka Hay’adaha Dawladu galaan, iyada oo geesta kale ku hawl-gasha qorshe u yaal oo sanadle ah iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano {2024 ilaa 2028} kuwaas oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan ah in si joogto ah loo sameeyo is-qiimayn, si loo hubiyo bal in ay hawluhu u socdaan sidii loo asteeyey ee uu ku-talo-galku ahaa.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com