Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in ay ganacsatadu ku dhawaaqeen qaadhaanka ay bixinayaan abaaraha oo dhan malyuun iyo shan iyo soddon kun oo Doolar ah (1,035,000$)

????????????????????????????????????

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharaxaad ka bixiyey najiitada kulan uu Madaxweynaha Somaliland la yeeshay gacansatada waaweyn ee dalka, kaas oo qaadhaan loogu ururinayey in ka badan Hal Milyan oo ruux oo ay noloshooda saamaysay Abaar baaxad leh.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa shaaciyey in ganacsatadu dalku ay bixiyeen deeq lacageed oo gaadhaysa Hal milyan iyo shan iyo sodon kun oo doolar ( 1. 035.000$) oo isugu jirta lacag kaas ah iyo raashin oo loogu talo galay in loogu gurmado dadka ku dhaqan gobolada barriga dalka ay ay abaarta baahsani soo food saartay.

Maxamuud Xaashi waxa uu sidoo kalena shaaciyey in ay Xukuumaddu go’aansatay in la mideeyo gurmadka iyo taakulada dadkaasi abaaraysan sidaa daraadeedna ay Xukuumadu ay amarayso in dhamaan mucaawinooyinka lagu wareejiyo guddida qaran ee Abaaraha.

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa arrimahaasi kaga dhawaaqay xafiiska Madaxweynaha Somaliland oo kulanku ka dhacay waxaanu yidhi:

“Saaka waxaynu halkan isugu nimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kulan uu ku martiqaaday ganacsatadii waaweynayd ee dalka, oo qoorweyntoodii ay maanta halkan fadhido, kulankan Madaxweynaha waxa ku wehelinayey gudidii abaaraha oo shirkadahan iyo ganacsatada dhamaantoodba ay guddida qayb ka yihiin, iyo culimo Awdiinkii, guddidaas oo aynu u samaysaynay in xaaladaha noocaas ah dalka ka samato bixiyaan, dadkeena tabaalaysana ay gargaaraan.Kulankan waynu isku xog waraysanay, ujeedadii aanu idiinku yeedhnay Madaxweynaha iyo xubno guddida ah ayaa ka waramay, ganacsataduna si wanaagsan ayey u hadashay, waynu abaarnay dulucdii aynu u nimid, waxaan jecelahay inaan idiinka mahad naqo kulankaa aad soo ajiibteen Madaxweynaha, maamuus iyo milgo ayey isaga u tahay, Ummadeenana qiimo weyn ayey u tahay.” 

Wasiirka ayaa intaasi ku daray:

“Taasi waxay ka markhaati kacaysaa deeqsinimadiina, waa garanayseen waxa laydiinku yeedhayey inay lexejeclo iyo aduun tahay, hadii aad bakhaylo tihiin dee maydaan timaadeen, qof walibana wuu ku soo tallo galay waxa uu halkan ka bixin doono, ujeedaduna waxa ahayd qofku Aakhiradiisana wax buu dhiganayey dadkiisana wax buu tarayey, waa idiinka mahad naqaynaynaa aduunkaa aad  bixiseen ee ku yaboohdeena Illaahay waxaanu idiinka baryeynaa inuu miisaanka xasanaadkiina ku biiriyo, halka aad ka soo saarteena badal kale idiin galiyo.” 

Xaashi ayaa ka hadlay cadadka deeqda ganacsatada waxaanu yidhi:

“Waxa halkan maanta ay kaga dhawaaqeen ganacsatadu lacag Malyuun iyo shan iyo sodon kun oo doolar ah ( 1. 035.000$) oo deeq ah, Todoba boqol iyo shan toban kun oo doolar (715.000$) waa lacag kaash ah oo guddiga culimada gacantooda soo galaysa insha Alaahu, deeqaha iyo mucaawinyooyinka waynu nidaaminaynaa, khibradii ay guddidu korodhsatay ayey ahayd, hay’ado fara badan oo Islaamiya oo dadaalaya, ururo yaryar ayaa raashimo keena, nin waliba meel buu la qabtaa, waxaas oo dhan waanu mabnuucaynaa, dawlad ahaan guddiga abaaraha ayaa naga codsaday in la mideeyo abaaraha waxaanu u sheegaynaa dadkaa in wixii taakulo ah meel uun laga wada-wadayo, oo guddiga abaaraha loo dhiibo, sababtu tahay baahi iyo mudnaansho ayaa la maamulayaa, waxa laga yaabaa in hadii aynu haantaa haduudhlaha mucaawadamda ku maamulno inay meel kaliya ku dhacdo dadka tabaalaysani waa dakeenii, goboladu waa kuweenii waa loo xaqsoorayaa gobolada iyo dadkaba, markaa waa in xarun meel kaliya laga maamulaa. Markaa ururadaas waxaanu u sheegaynaa inay gudida ku wareejiayaan wixii ay hayaan.” 

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa geesta kalena sheegay ina lacagahaasi deeqda ay ay maamuli doonaan guddida qaran ee abaaruhu isla markaana ay ku jiraan gacan aamin ah waxaanu yidhi:

“Waxaan jecelahay inaan ganacsada u mahad naqo. Amaanadaas iyo aduunkaas khasnad dawladeed la gayn maayo, laguna dari maayo, waxa maamulaya gudiga abaaraha, culimaad ayaa haynaysa, taanu dawlad ahaan bixinay iyo taa bixiseen dhamaan gacmo aamin ah ayey ku jiraan.” 

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa isla goobtaasi ka akhriyey magacyada shirkadaha gacansiga iyo baaxda lacagta ay bixiyeen, waxay u dhignay sidan:

  1. Shirkada Dahabshiil Group  waxay bixisay laba boqol oo kun oo doolar (200.000$)
  2. Shirkada TELESOM waxay bixisay Boqol iyo konton kun oo doolar (150.000$)oo laba qaybood ah. Sideetan kun 80. 000 $  oo ay guddida ku wareejinayso iyo todobaatan kun (70.000$) oo ay gobolada kaga yabooheen.
  3. Shirkada OOMAR waxa ay ku yabooday raashin dhan afar kun oo qoys oo gaahaysa laba boqol oo kun oo doolar (200.000$).
  4. Shirkada Somcable waxay ku yaboohday laba boqol oo kun oo doolar (200.000$)oo khaash ah.
  5. Xaaji Baxsane (Red Sea company) wuxuu ku yaboohay kontan kun oo doolar ( 50. 000$).
  6. Shirkada Al Harbi waxay ku habooday Sideetan kun oo doolar (80. 000$),oo isugu jira sodon kun (30. 000$) oo doolar oo kaash ah Iyo konton kun (50. 000$) oo raashin ah.
  7. Shirkada Haamaha kaydka Shidaalka Berbera (BOG) waxay ku yabooheen Boqol iyo konton kun oo doolar (150.000$).

Isu-gaynta guud ay tahay Malyuun iyo Shan iyo Sodon kun oo Doolar ah ( 1. 035.000$) oo 715.000 $ oo doolar ay naqad tahay.  waxa kale oo kun doolar(1.000$) bixiyey Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo shirka ku sugnaa.

bandhige@gmail.com