Guddoomiyaha Garabka Toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga Waddani waxa uu magacaabay laba guddi

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Garabka Toosinta iyo cadaalada Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed waxa uu maanta magacaabay laba gudi oo uu ku sheegay in ay kala yihiin, Guddida Abaabulka iyo wadahadalada ee garabka toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga Waddani kaas oo uu guddoomiye uga dhigay HInda Jaamac Xirsi, kana kooban yaya lix xubnood oo kale.

Sidoo kale guddoomiye Seed waxa uu magacaabay Madaxa Abaabulka iyo isku dubaridka xaflada Soo dhawaynta garabka toosinta ee uu dhawaan ku tagayo Gobolka Awdal.

Warsaxaafadeedkan oo laga soo saaray xafiiska warfaafinta Garabka Toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga Waddani oo nuqul ka mid ahi la soo gaadhsiiyay warbaahinta.

Halkan hoose ka akhriso lifaaqa war-saxaafadeedkan:

15050080_1122715664444197_1217121278_n 15032633_1122715691110861_654606763_n

 

bandhige@gmail.com