Wasiirka Tamarta JSL iyo Guddida Kheyraad Dabiiciga ah ee Wakiillada oo Kulan Ka Yeeshay Xoojinta Wada Shaqayntooda

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Guddida Khayraadka Dabiiciga ah, Deegaanka, wax Soo-saarka iyo Tamarta ee golaha wakiilada JSL ayaa shalay kulan la qaatay wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta JSL.

Gudida oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddida Mudane Suleiman Mohamed Faarah (Goox), goob joogna ay ka ahaayeen, Xildhibaan Bashiir Hussien Hirsi, Xildhibaan Abdixakiin Hugur Abdi, Xildhibaan Yahye Abdilahi Amiin (Ararse), Lataliyaha gudidda Mustafe Mohamed Hassan iyo Xoghayaha guddida Faarah Sead Arab.

Dhanka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta JSL oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta JSL Cabdilahi Farax Cabdi, Agaasimaha Guud Maxamed Cisman Siciid iyo badi Agaasime waaxeedada iyo lataliyayaasha Wasaaradda.

Kulankan oo lagaga wada Hadlay siday u wada shaqayn lahaayeen gudidda iyo wasaaradda Macdanta iyo Tamartu madaama oo ay wada shaqayni ka dhaxayso iyo si ay guddidu Xog-ogaal ugu noqoto shaqada wasaaraddu Qaranka u hayso, Loogulana Xisaabtamo shaqadeeda.

Dhinaca kale kulanka waxa diirada lagu saaray sidii la loo dardar galin lahaa wada shaqaynta labada dhinaca, isla markaasina loo abuuri lahaa jawi ku haboon in shaqadu u socoto sidii loogu talogalay.

Gebo’gabadii kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasaaradda Macdanta iyo Tamarta JSL ayaa ku soo dhamaadey jawi isfahan iyo sidii halkaa looga sii wadi lahaa wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda iyo guudida golaha wakiillada u qaabisan arrimaha Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com