Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxa uu maanta daah furay kulan lagu falanqaynta qabyo-qoraalki u horeeyey ee Siyaasada Dhalinyarada Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Musse Faarax ayaa daah furay kulan lagu falanqaynta qabyo-qoraalki u horeeyey ee Siyaasada Dhalinyarada Somaliland.

Wasiirka WDH&C JSL ayaa ugu horeyntii aad ugu mahadnaqay dhamaan xubnaha kasoo qayb galay isaga oo aad ugu dheeraaday Siyaadani inay ka turjimi doonto 72% shacabka Simaliland oo ah dhalinyarada.

Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay xubnaha kala duwan ee kasoo qayb galay munaasibadani inay lafa guraan, falanqeeyaan nuxur muhiim ahna ka soo saaran Qabyo-qoraalkna.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Khaalid Jamac Qodax, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee WDH & Ciyaaraha Nimco Xariir Cabdilahi, Gudoomiyaha Dallada SONSAF Anwar Warsame, Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee SONYO Badri Xasan iyo Gudoomiyaha SOS Children Mustafe Adow.

bandhige@gmail.com