Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo kulan la qaatay Gudida Wanaag farista iyo Xumaan Reebista Somaliland ayaa u kala Direy Gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland .

Waxana Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista Somaliland ay Gobolada Dalka kasoo samayn doonaan wacyi-gelin ku saabsan sidii bulshada Somaliland looga wacy-gelin lahaa ku dhaqanka shareecada,ilaalinta amaanka iyo kor u qaadida wacyi-ga bulshada si bulshadeenu uga baxdo dhibaatooyin badan oo haysta .Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista Somaliland la hadlay ayaa ugu horeyn uga mahad-naqay hawlaha shaqo ee ay hayaan,waxaanu ku dhiiri-geliyey in ay halkaa kasii wadaan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa ayaa Gudida u sheegay in la joogo waqtigii ay Gudidu doorkeeda ka qaadan lahayd hawlaha shaqo ee Qaranka gaar ahaan kor u qaadida wacyiga Bulshada ee ilaalinta dhaqanka suuban , ku dhaqanka shareecada islaamka iyo Ilaalinta amaanka si dhibaatooyin badan oo bulshada haysta xalkooda loo helo .

Guddida Wanaag Farista ee Wasiirku u kala direy Gobolada dalka ayaa ah laba qaybood , qayb u safraysa Gobolada Bariga Somaliland oo safarkoodu noqon doono Gobolada Daad-madheedh,Togdheer ,Saraar iyo Sanaag iyo qayb u safraysa Gobolada Galbeedka Somaliland oo Safarkoodu noqon doono Gobolada Awda,Selel ,Gebilay iyo Gobolkan Marood-Jeex .

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu Bulsho-weynta Gobolada Dalka ugu baaqay in ay soo dhoweeyaan Gudida wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Somaliland isla Markaana ay bulshadu ka Faa’idaystaan .

 

Alla Mahad Leh .

Xigasho:Telefishanka Qaranka Somaliland

Bandhige@gmail.com