Daahfurka Xafiiska Is-waydaarsiga Lacagaha iyo Agabka Maaliyadeed (Clearing and Settlement Office). 

Isniin, January 22, 2024

Kulan lagu daah-furayey xafiiska iswaydaarsiga lacagaha iyo agabka maaliyadeed (Clearing and Settlement Office). Kulanka waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Baanka dhexe, Agaasimaha Guud iyo Xubno ka mid Agaasime Waaxeedyada Baanka. Dhinaca kale, waxa kasoo qayb galay dhamaan agaasimayaasha (CEO) Baangiyada gaarka loo leeyahay iyo guddoomiyaha ururka baananka Somaliland ( Somaliland Banking Association).

Ugu horeyn, kulanka waxaa furay guddoomiyaha Baanka Somaliland Mudane: Dr. Cali Cabdilaahi Daahir isagoo tilmaamay muhiimada uu leeyahay xafiiska Iswaydaarsiga Lacagaha iyo Agabka Maaliyadeed (Clearing house and Settlement office) ee maanta la daahfurayo iyo sida wakhti xaadirkan suuqyada maaliyadeed ee Somaliland ugu baahan yihiin in ay Baananku isku xidhnaadaan.

Dhinaca kale, waxaa isna sharaxaad kooban ka bixiyey xafiiska la daahfurayo iyo adeegyada uu qaban doono Madaxa Xafiiska Iswaydaarisaga Lacagaha iyo Agabka Maaliyadeed Mudane: Cabdinaasir Maxamed Jaamac (Nasir Halac). Naasir waxa uu xusay Hawsha ugu muhiimsan ee uu qaban doono xafiiskani in ay tahay fududdaynta iyo isku xidhka adeegyada lacag bixinta Baananka gaarka loo leeyahay taas oo bulshada iyo macaamiisha baananka u suurto gelin doonta in baanka ay doonaan lacagtooda ay kala bixi karaan kuna xawilan karaan xisaabahooda uga furan baananka kale.

Dhamaan Xubnaha ka socday Baananka gaarka loo leeyahay oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay daah-furka Xafiiska iyo shaqada uu qabanayo, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimada Xafiiskani u leeyahay Baananka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Ugu danbayntii waxa ay Baanka Dhexe iyo Baananka Gaarka loo leeyahay isla qaateen qodobadan hoos ku xusan:

1. In la hirgaliyo Shaqada iyo Waajibaadka uu keensanayo Xafiiska Is-waydaarisiga lacaguhu.

2. In Baananka Gaarka loo leeyahay soo magacaabaan Xubnihii ku meteli lahaa Xafiiska Is-waydaarsiga.

3. In Baananka gaarka loo leeyahay xisaabo ka furtaan Baanka dhexe. Xisaabaadkaas oo loogu talo galay iswaydaarsiga lacagaha baananka dhex mara.

WABILAAHI TAWFIIQ

 

Xigasho:Wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com