Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland oo mar kale la fasaxay.

Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa saaka lagu wargeliyay inay fasax yihiin, isla markaana ay soo noqdaan sabtida toddobaadka soo socda.

Xildhibaanada ayaa markii ay intooda badani ka soo xaadireen fadhiga xarunta golaha, intii aanay soo wada dhammaan, xog-hayaha golaha guurtida Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi uu xildhibaanada ku wargeliyay inay fasax yihiin dibna u soo laabtaan ilaa sabtida.

Todobaadkan waa markii labaad ee Xildhibaanada Guurtida la fasaxo kadib buuqii iyo sawaxankii ka dhacay golaha ee ay Mudanayaashu ay isku maandhaafeen Xeerka isa-saarka doorashooyinka oo Xildhibaan qaar sheegeen inuu dhaqan-gal yahay halka mudanayaasha kalena ay qabaan lagu soo celiyo guurtida si ay shaqadooda uga qabsadaan.