Jidka labaad ee muhiimka ah ee Hargaysa oo dib-u-dhis ka socdo

Jidkani waa jidka labaad ee ugu muhiimsan Caasimadda Hargeysa kaasi oo jihad Waqooyi ka mara Cisbitaalka Hargaysa, jidan ayaa ah mid aad ay u adeegsadaan gaadiidka magaaladu.

Jidkan ayaa ah mid ay dhawaan gacanta ka qaaday dhismihiisa Dawladda hoose ee Hargaysa, balse meelaha qaar ay hadda dib u dayac tirayaan.

Nuxurka qoraalkani waxa uu yahay maxaa Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa uga meel yaala saxmada aadka u daran ee laga dhaxlo wakhtiyada ay binaynayaan jidadka labada ah ee ugu muhiimsan Hargaysa.

Waxa jira jidad yar yar oo lagaga nasan karo xiliyada jidadka muhiimka ah la dhisayo saxmada iyo isku buuqa gaadiidka ee wakhiyadani, jidadkaasi oo haddii la dhiso noqonayo kuwo la intifaacsado laguna nasto.

Jidadkani waa ku dhex mara xaafadaha magaalada oo ah kuwo aad u koob kooban balse lagu yarayn karo saxmada gaadiidka.

Hadda mar aad aragto jidkii muhiimka ahaa oo la dhisayo, gaadiidkiina ay isku murugaan yihiin, qaar kalena ay rabaan inay adeegsadaan jidadka yar yar ee xaafadaha dhex maray balse ay ay ku adag tahay inay maraan.

Taladu waxay tahay ha laga faa’iidaysto jidadka yar yar ee xaafadaha dhex mara si looga raysto saxmada baabuurta ee wakhtiga wadooyinka la dhisayo.