Wasiirka wasaarada horumarinta kheyraadka ka biyaha Dr. Sulayman Yusuf Kore ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda bangiga aduunka (World bank),ย 

Wasiirka wasaarada horumarinta kheyraadka ka biyaha Dr. Sulayman Yusuf Kore ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda bangiga aduunka (World bank),

weftigaas oo uu warbixin ka siiyey halka ay marayaan mashaariicda biyaha ee uu bangigu ka caawiyo dawlada soomaliland. Dhanka kale Chantal Richey oo ah madaxa mashaariicda biyaha ee bangiga aduunka u qaabilasan JSL oo hogaaminaysey weftigaasi ayaa iyaduna hambalyaysey sida quruxda badan ee ay Wasaaraddu u wado labada mashruuca ee kala ah barwaaqo ( water for rural resilience) iyo abaartire ( ground water for resilience),

iyadoo sidoo kale xustay inay sii wadi doonaan la shaqaynta dawalada somaliland oo ay dhawaan ka bilaabi doonaan daraasad la xidhiidha biyo gelinta magaalooyinka dhamaan gobolada dalka. Ugu dambayn wasiirka biyaha ayaa u mahadnaqay kuna bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ugu garab taaganyihiin sidii biyo nadiifa oo ku filan loo gaadhsiin lahaa dhamaan muwaadiniinta ku nool dalka.