Ciidanka Booliska oo soo Qabtay 21 Xidhmo oo Xashiishada iyo eedaysanayaashi waday

Hargeysa, January, 18, 2024 – Ciidanka qaybta la dagaalanka mukhaadaraadka iyo Saldhigga Booliska ee Aadan Shiiine ayaa hawlgal ay ku qaadeen soonaha Saldhiga Aadan Shiine waxay gacanta ku soo dhigeen 21 xidhmo oo xashiishada iyo eedaysanihii watay.

Taliska ciidanka boolisku waxa uu xusay in eedaysaneyaashii lagu soo qabtay Xashiishadaasi ay ku jiraan gacanta booliska, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan loo horgeyn doono cadaaladda.Taliyaha qaybta la dagaalanka mukhaadaraadku waxa uu digniin culus u dirayaa dadka ku hawlan ka ganacsiga Maandooriyayaasha Khamriga iyo Xashiishada waxaanan u soo jeedinaynaa inay ka waantoobaan.

Qoraalkanka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland ayaa loogu mahadnaqay qaybaha kala duwan ee bulshada JSL.

Waxaana lagu yidhi. “Shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu uga mahadcelinayaa la shaqaynta Ciidanka Booliska , waxaanan u soo jeedinaynaa inay kor usii qaadaan , waxii ay garan wayaana Ciidamada Booliska la soo wadagaan. Iyagoo soo wacaaya 999 .”