Dowlada Rwanda oo sheegtay in lacagta loogu talo galay muhaajiriinta ee UK la celin doono.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in uu dib ugu celin doono lacagta Ingiriiska haddii aan wadankiisa dad magangalyo doon ah loo dirin, sida ay hore ugu heshiiyeen labada dal.

UK waxay siisay Rwanda ยฃ240 milyan oo gini oo u dhiganta wax ka badan 304 milyan oo doolar, iyada oo ay soo socoto ยฃ50 milyan oo kale. Ilaa hadda ma jirto cid magangalyo doon ah oo dalka loo diray.

Paul Kagame oo la weydiiyay sababta uu lacagta u qaadanayo ayaa waxaanu yidhi. โ€œWaxaa la isticmaali doonaa oo kaliya haddii dadkaasi ay yimaadaan, haddii aanay imaan, waan soo celin karnaa lacagta.โ€Waxay ku soo beegantay iyadoo Rishi Sunak uu wajahayo cod adag oo ku saabsan sharci ahaanshaha heshiiska Rwanda.

Raโ€™iisul wasaaraha ayaa ku andacoonaya in qorshaha uu ku doonayo in lagu masaafuriyo qaar ka mid ah magangalyo doonka Rwanda uu noqon doonto mid ka hortaga muhaajiriinta doonaya in ay doomo yar yar kuso galaan Ingiriiska.