Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa maanta si wadajir ah tababar ugu furay 18 xubnood, oo iskugu jira Garsoorayaal, Ku-xigeeno Xeer-ilaaliyayaal guud, Isu-duwayaasha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolada dalka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan Jaamacadda Hargeysa.
Furitaanka tababarka waxa ku wehelinayay Garsooraha Maxkamadda Sare Yaxye Cali Idiris oo kamid ah khuburada tababarka bixinaysa, ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ahna Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Iid, Agaasimaha qaybta xidhiidhka Jaamacadda Hargeysa Maxamed Sulub, La taliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Madaxa Xafiiska Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin iyo saraakiil ka socotay Hayโadda NRCN.
Tababarkani oo ku qotoma Xeerka Duur-joogta iyo sidii looga ilaalin lahaa ka ganacsiga sharci-darada ah ee lagula kaco ayaa socon doona muddo 8 cisho ah, waxanna iska kaashaday taaba-gelintiisa Maxkamadda Sare, Wasaaradda Deegaanka iyo Jaamacadda Colorado.
Waxanna Tababarka bixin doona khuburo iyo xeel-dheerayaal bartay culuumta la xidhiidha deegaanka iyo shuruucda lagu ilaalinayo bed-qabka deegaanka iyo duur-joogta. Mudada uu tababarkani socdo waxa lagu lafa-guri doonaa siyaabaha looga hortago iyo nidaamka loo soo oogo eedaha la xidhiidha dambiyada laga galo deegaanka iyo duur-joogta.
Ugu horayn waxa furitaanka tababarka ka hadlay Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ahna Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Iid, waxaanu xusay in Garsoorku hore dedaal ugu jiray, tababarkanina la xidhiidho shaqada maalinlaha ah ee ay bulshada u hayaan, waxaanu hoosta ka xariiqay in wax lagu farxo ay tahay, in maanta Garsoorkii bixinayo tababaro ay ka faaโiidaysanayaan hayโadihii ay wada shaqaynta lahaayeen.
Geesta kale Agaasimaha Qaybta xidhiidhka ee Jaamacadda Hargeysa Maxamed Sulub ayaa is-dul-taagay in ay muhiim tahay wada-shaqaynta Jaamacadaha iyo Hayโadaha dawladda, maadaama dejinta siyaasadaha ay laf-dhabar u tahay daraasadaha ay soo saarayaan jaamacaduhu. Maxamed Sulub ayaa xusay in Jaamacadda Hargeysa hadda diyaar u tahay isla markaana awood u leedahay in ay hagto siyaasadaha Qaran ee lagu waajahayo dhinacyada kala duwan ee nolosha oo ay qayb ka tahay ilaalinta duur-joogtu.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa dhankeeda tibaaxday in bahda Garsoorku dedaal xoog leh kaga jirto sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa dambiyada laga galo deegaanka iyo duurjoogtaba, waxaanay xustay in gal-daloolooyin dhanka xeerka ilaalinta duur-joogta ahna hadda gebo-la marinayo wax-ka-bedelkii iyo kaabistii, kaasi oo wax badan ka tari doona ilaalinta iyo bed-qabka duurjoogta.
Gunnaanadkii Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu ilaalin karo duurjoogtu tahay xeerka iyo in ay iska kaashadaan hayโadaha kala duwan ee wada shaqaynta leh. Waxaanu xusay in deegaanka nolosheenu ku xidhan tahay isla markaana ay waajib tahay in la ilaaliyo si jiilasha dambe innooga dhaxlaan.
Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka, waxaanu kula dardaarmay xubnaha tababarka qaadanayay in ay dedaal badan galiyaan sidii ay uga faaโiidaysan lahaayeen duruusta ay bixinayaan khuburada isla markaana ugu dabaqi lahaayeen hawlahooda shaqo.