Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ka Qayb galay Shir ay Qabatay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Dalka Sucuudiga (Faah-faahin)

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga kaga qayb galay shirka mu’tamarka khidmadda Xajka oo sanad kasta ay Qabato Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga isla markaana ay kasoo qayb galaan Daneeyayaasha Arrimaha Xajka ee Waddamada Islaamka ah .

Waxana Wasiirku uu halkaasi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Dalka Sucuudiga Dr Tawfiiq Binu Fawsaan Al-rabiica .

Dhinaca Kale waxa Wasiirku kulan la qaatay Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada iyadoona ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xajka iyo Cumrada .

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jiddah ee Dalka Sucuudiga waxa uu Kulamo kala duwan la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Sucuudiga .Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Waxa Kulamadaas ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Xajka iyo Cumrada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Shiikh Maxamed Xasan Xaaji Yuusuf (Abu-layla).