๐™ˆ๐˜ผ๐™“๐˜ผ๐˜ผ ๐˜ฟ๐˜ผ๐˜ฟ๐™†๐˜ผ ๐™Œ๐˜ผ๐˜ผ๐™ ๐™ˆ๐˜ผ๐™๐™’๐˜ผ๐™‡๐˜ฝ๐˜ผ ๐™“๐™Š๐™๐™„๐™”๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ผ ๐™‡๐™Š๐™Š๐™‚๐˜ผ ๐™Œ๐˜ผ๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ผ๐˜ผ ?…W/Q:(Mohamed Abdi Jama Dhimbiil)

Qofkii in uun akhriyey ama bartay sida dawladuhu u shaqeeyaan gaar ahaan xafiisyada dhawrista xogta , Sirdoonka, amniga guud iyo danaha qaranka , ilaalinta anshaxa guud ee bulshada, ilaalinta heshiisyada bulshada iyo hab maamulka dawladnimo waxii ku aroora wuu garan karayaa ama ka jawaabi karaa su’aashan aan idin weydiiyey.Haddaba sida qaalibka ah waxa marka qof la xidho kugu soo dhacaysa maxaa lagu xidhay, ma dambi buu ku jirey , waxaanad u raadineysaa cudur daar aanu ku waayin xuquuqdiisa iyo xoriyadiisa inta badana dadka sharciga bartay iyo dadka intiisa badani waa halka ay wax ka eegaan.Maanta waxa aan idinku soo kordhinayaa arin kale oo aan ku ogaaday aqoon korodhsi iyo fahamka dawladaha sida ay u shaqeeyaan oo aan rabo bal in aan idiinku iftiimiyo xadhiga dadka kusoo noqnoqdaa l halka uu ka yimaado iyo asbaabaha keena.

Xadhiga qaar waynu isla naqaanaa oo waa qofka gali fal-dambiyeed ciqaab ah ( criminal case ) iyo xadhig ka dhasha dacwad madani ( civil case ) iyo xadhig siyaasadeed oo sababo kale loo soo maro oo qaybta aan soo wadona raaci kara.Waxa jira marka qof la xidho ee looga shakisan yahay wax hawlaha xaga sare aan ku soo sheegnay ka mid ah in fal kale oo aan dadka caadiga ah lagu xidhin loogu soo marmarsiyoodo si mudada uu xidhan yahay loo helo xogta la rabo , hadii hadaba la waayo ama aanay xogahaasi dhameystirnayn qofkaasi faraha ayaa laga qaadayaa waxaana lagu haynayaa dabagal dul ka eegis ah .

Tuhumadani waxaa ka mid ah argagixisnimo , faafin xog ama sireed , qorshe siyaasadeed ka dhan ah wacyiga jira oo in gaar ahi wadato , xagjirnimo shaqsi oo laga cabsi qabo in ay yeelato saameyn bulsho , xadhig siyaasadeed, xadhig dadkaasi loogu danaynayo ( magac loogu raadinayo si macaariif badan uu u yeesho ) , xadhig ka yimaada hogaanka dalka oo si uun u haysta ama uga baqaya iwm ah.

Waxaa dhici karta in dadka qaar dawlado kale iyo dalal kale ka soo gudbiyaan in uu dhibaato ku yahay amaba si qaldan cid qofkaasi cadaw u ahi ugu adeegsato hababkan culus ee dawladuhu isku ilaaliyaan , inta badan ma dhacdo oo dadka masuuliyadaha qaar lagu aaminayaa waxa ay ka culus tahay masuuliyada madaxweynaha, sida Sirdoonka qaranka, ilaalinta iyo dhawrista xogaha dawlada , hantidhawrka , xisaabiyaha, xeer ilaaliyaha iwm ah oo loo xulo dad wadaniyad leh , oo aad uga fog wax waliba oo dulmi keeni kara.

Isku soo wada xoori waxa jira waxyaabo badan oo dhaca oo aynu marwalba garan weyno oo dawlada lafteedu iyaga oo isku xilqarinaya insna difaaci kari waayaan dadna dulmi ka galaan, arimahani dhamaantood waxa ay u baahan yihiin in sharciga ay ku shaqeeyaan xafiisyada aynu magac dhabnay oo dhami laga fogeeyo waxii dadka gef ku ah isla markaana loo xulo dad ehel u ah masuuliyadahaasi oo wadaniyiin ah.

 

Mohamed Abdi Jama Dhimbiil

Bandhige@gmail.com