Wasiirka Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Kulan La Yeeshay Dirawallada Gaadiidka Wasaaradda

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Axmed Maxamed Habbane iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse, ayaa Maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Gaadiidka Wasaaradda.Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Iibka ee Wasaaradda Yaasmiin Xasan Siciid iyo Hawl-wadeennnada Xafiiskeeda, ayaa waxay marka koowaad War-bixin ka siisay Wasiirka iyo Agaasimaha guud shaqada Xafiiskeedu u qaabilsan yahay Wasaarada Beeraha iyo waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tagay.

Waxa kale oo ay ka warrantay qorsheyaasha Xafiiska Gaadiidka iyo Iibka ee Wasaaradda Beeraha ee sanadka cusub.

Intaasi ka dib, Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, ayaa talooyin u soo jeediyey Dirawallada Gaadiidka kala duwan ee Wasaaradda, sida la-dagaalanka Ayaxa iyo kuwa gaadiidka kale ee Wasaaradda, waxayna kula dardaarmeen in dirawal walba uu waajibaad gaar ah iska saaro gaadhiga uu dirawalka ka yahay, maaddaama oo gaadiidka Wasaaraddu yihiin Hanti Qaranku leeyahay.

 

Waxa xusid mudan, in shirkan ay ka qayb-galeen Agaasime-waaxeedyada kale ee Wasaaraddu.

…………….