Waxay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan gaar ahaana bulshada gobolka Togdheer,uga makhraati tahay iyadoo mahad balaadhan u haysa sida hagar la’aanta ee uu uga muuqday,isla markaana uga hawl galay hawshii baaxada lahayd ee degmada Burco ka taagan.
Waxa uu ahaa masuulkii uga horeeyey ee si degdeg ah uga hawl gala, isagoo geeyey diyaarad dawooyin ah, xili bulshadu aad ugu baahnayd, waayo gurmadka deg dega ahi wuu ka balaadhanyahay oo ka dhumuc wayn yahay gargaarka daaha.
Xanuunka shuban-biyoodku waa masiibo dabeeci ah, oo bulshooyinka daciifisa tamartooda iyo caafimaadkooda,waana lagama maarmaan in la helo dawooyin lagula tacaalo si loo badbaadiyo geyiileyaasha go’aya kana hayaamaya geyigeena, taas baan gilgishay maanka iyo damiirka noole ee wasiir Cali-diyaarad,waana asbaabaha ugu waawayn ee bulshada gaar ugu gobonnimo soorayaan wasiir Cali Xasan Maxamed.
Marka aad wax ku celisid bulshadii aad masuulka u ahayd,ee xilku kaa saaraa,baahi wayna u qabta gacantaada iyo doorkaaga xiliga adag ee ay ciirsigaaga sugayaan,marna ma muuqato mana habboona,inaad ku dhaqanto ficilada i arkayda iyo mano-sheegashadu,wasiirku isagoo taas maanka ku hayo, sidii awelba lagu yaqaaney, ay aayar diyaarad dawooyin ah mar qudha lagu baraarugey isagoo ka soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee magalada Berbera.
Wasiir Cali isagoo og in Burco tahay xaruntii lagaga dhawaaqey, ee lagu bud-dhigay Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa uu dheer yahay masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadda iyo goliihiisa wasiirrada, wuxuuna ku jiraa kaalinta koowad ka warhaynta iyo dareen wadaaga bulshadiisa.
Burco waxay ku taalaa
Xididada tin iyo cidhib
Tebinaaya dhiigga.
Cabdisalaan Germany
Cabdigermany11@gmail.com