Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa kulan la Yeeshay Agaasimayaasha Wasaaradda, lataliyayaasha Wasiirka iyo Xubno kamid ah gudidda farsamo ee xakamaynta xannuunka Covid-19

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa kulan la Yeeshay Agaasimayaasha Wasaaradda, lataliyayaasha Wasiirka iyo Xubno kamid ah gudidda farsamo ee xakamaynta xannuunka

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mud: Cumar Cali Cabdillaahi ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Agaasimayaasha waaxaha W.H Caafimaadka, lataliyayaasha wasiirka, dhakhaatiirta iyo xubno kamid ah gudidda farsamo ee xakamaynta xannuunka Coronavirus.

 

Kulanka ayaa lagaga hadlay saamaynta uu xanuunka Coronavirus ku yeeshay adeega caafimaad ee dalka, waxyaabaha laga bartay xanuunkaasi iyo sidii loosii dardar galin lahaa habsami socodka shaqo ee wasaaradda iyo kor uqaadista adeega caafimaad ee dalka.