Wasiirka wasaaradda Qorshaynta wuxu xafiiskisa ku qaabilay Danjiraha Holland u fadhiya Kiiniya

 

Danjiraha dalka Holland u fadhiya wadanka Kenya sidoo kalena ah Safiirka Holand uga wakiila wadamada Somaliland iyo Soomaaliya MR. FRANCISCUS ALBRECHT MAKKEN,oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa wadanka somaliland isaga oo indho indhayn iyo kormeer ku samaynayey mashaariicda horumarineed ee ka socda wadanka ee ay maal-galinayaan wadanka Holland waxaana uu soo booqday mashruuca biyo balaadhinta ee caasimada hargaysa sidoo kale waxaa uu kulamo la qaatay wasiiradda wasaaradaha qorshaynta,dub u dajinta iyo wakaaladda biyaha ee magaalada hargaysa

Wasiiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadam (Qabyo tire) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Holland u fadhiya wadanka Kiiniya sidoo kalena ah Safiirka Holand uga wakiilka ah wadamada Somaliland iyo Soomaaliya MR. FRANCISCUS ALBRECHT MAKKEN.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii xog buuxda uu uga heli lahaa danjiruhu arimaha horumarka somaliland iyo sidii ay qayb laxaad leh uga qayb qaadan lahaayeen qabsoomida doorashooyinka

intii shirkani socday ayaa waxaa uu wasiirku warbixin buuxda ka siiyey danjiraha qorshayaasha horumarineed ee qaranka halka uu marayo.

Dhanka kale danjire MR. FRANCISCUS ALBRECHT MAKKEN ayaa dhankiisa sheegay in ay Somaliland kala shaqayn doonan sidii xal waara loogu heli lahaa Abaaraha soo noqnoqday ee saameeyay nolasha dad iyo xoolaba.

Gabagabadii kulankan aya waxaa laysla qaatay in la sameeyo ama la dhiso nidaam dhaqaale oo lagaga soo kabanayo saamaynta iyo dhibaatada abaaraha iyo sidii loo dabar goyn lahaa guud ahaanba saboolnimada.

bandhige@gmail.com