Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo kulan la Qaatay Jaamacadaha Dalka Sucuudiga

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo socdaal ku joogga dalka boqortooyada Sucuudiga,ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka Sucuudiga.

Kulanka wasiirku la yeeshay madaxda Jaamacadaha dalka Sucuudiga,ayay kaga wada hadleen sidii Somaliland iyo Sucuudigu iskaga kaashan lahaayeen dhanka waxbarashada.

Socdaalka wasiirka oo uu weheliyo u qaybsanaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradaasi , Mudane Axmed Shariif ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah Jaamacadahaย dalka Sacuudiga.

Wasiirka Waxbarashadda iyo Xubnaha Waftigiisa oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Dalka Sacuudiga ayaa Jaamacadahaasi ay kulamada la qaateen waxa ka mid ahayd Jaamacadda Tiknoolajiga ee Sacuudi Carabia oo wasaaraddu ay March 2020 kula heshiisay in laan ama farac jaamacaddaasi ka mid ah laga furo Somaliland, iyadoo maalgelinta caalamiga ah lagu dhisayo faraca jaamacaddaasi Hargeysa ku yeelanayso,hase ahaatee, Aafadii COVID19 awgeed ayuu higsigaasi u hirgeli waayay.

Iyada oo laga shidaal qaadanayo heshiiskaasi hore ayaa waxay labadda dhinac isla qaateen in la sii ambaqaado heshiiskii hore ee ย la gaadhay 2020 sidii loo fulin lahaa.

Waxaana lagu sheegay warka kasoo baxay kulanka labada dhinac ee Wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo Jaamacada Technology-yada Dalka Sacuudi Arabia in dhawaan uu dalka Somaliland iman doono wefti ka socda Jaamacadda Technology oo wax weyn ka tari doona baahida iyo horumarinta xirfadaha farsamadda gacanta ee Somaliland.

Xigasho: Wargeyska Dawan.

bandhige@gmail.com