Wasiirkii hore ee Qorshaynta Cali Ibraahim “Sanyare” ayaa geeriyooday, Madaxweyne Muuse Biixi oo tacsiyeeyey

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Cali Ibraahim Muxumed (Cali Sanyare) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 02/05/2018, magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi aqoon yahan ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba mudo dheerna qarankiisa u hibeeyey aqoontiisa iyo qaybo ka mida wakhtigiisa, isagoo ka mid ahaa waxgaradkii qaybta ka qaatay qarannimada Somaliland, shaqooyin heerarkoodu kala duwanaayeena ka soo qabtay dalka iyo dibeddaba, kuwaas oo uu ugu danbeeyey wasiirkii Wasaaradda qorshaynta qaranka ee wakhtigii xukuumaddii, madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

 

 

 

 

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

 

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/