Wasiirkii waxbarshada iyo talciinta sare oo ku biiray liiska wasiirada is casilay

Wasiirkii waxbarshada iyo tacliinta sare Faarax Cilmi Geedoole ayaa ku biiray xayn wasiiro ah oo iska casishay xalay xukuumada Axmed Maxmed Maxamuud uu hogaamiyaha u yahay, waxaanu wasiir Faarax ku dhawaaqay warka is casilaadiisa goor danbe oo maanta ah.

waxaana la filaayey mudane Faarax in uu shalayba arintaas ku dhawaaqo maadama ay wasiiro ay aad iskugu dhawaayeen ay ka tageen jagooyinkii ay ka hayeen xukuumada Soomaaliland, Faarax oo la hadlaayey warbaahinta qaar ka mid ah ayaa sheegay in uu iskii u go’aansaday in uu xilkaa ka tago isla markaana uu u tartamo jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye waxaanu aad ugu mahad naqay madaxweynaha iyo marwadiisa uun sheegay in ay mudo shan sano iyo dheeraad ah soo wada shaqeeyeen.