Shirkadda Sahal Transport & Logistics oo horumar ku soo kordhisay gaadiidka rakaabka ee u kala goosha meelo kala duwan

IMG_20151019_154133IMG_20151019_154149Shirkada gaadiidka iyo is gaadhsiinta ee lagu magacaabo Sahal transport and logistics oo dhawaan laga hir galaiyey magaalooyinka Hargaysa, Boorama, Wajaale iyo inta u dhaxaysa ayaa soo kordhisay qaab iyo gaadiid cusub oo ay aad ugu riyaaqeen macaamiisha shirkadaas raaca.

Waxaana adeegyada kala duwan ee rakaabku helayaan marka ay raacaan basaska shirkadan ka mid ah: cabditaan biyo ah,qaboojiye, internet qofkii wada mobilada caqliga badan ama ipad ama notes iyo wixii kale ee la halmaala uu iska isticmaalayo oo marba bog iyo marba meel iska booqan karo.

Waxaa kale oo adeegyadaa ka mid ah in tirada rakaabka baabuurku qaadi karo kaliya uu qaadayo kuwaas oo ah 12 qof laguma dari karo qof jeexii oo dheeraad ah, sidoo kale waxaa go’an oo aan la daba mari karin saacada safarku bilaabmayo taasi oo cidii ka dib dhacda lagu odhanayo fadlan soo raac ka kale ee saacad heblaayo baxa mar hadii uu qofkaas ka habsaamay kiisii, waxaa kale oo nidaamkooda ka mid ah in baabuurka laga raaco kaliya meelaha xafiiskoodu ku yaalo aanay tahay in qof kastaa isagu goobtaa yimaado marka ay balantu tahay,qof kasta oo rakaabka ka mid ah waxa uu wataa tikidh kaasi oo macluumaadka ku qoran ay ka mid tahay numabarka kursiga uu fadhiisanayo.IMG_20151023_110744

Sidoo kale waxaa xeerarka shirkada ka mid ah in dirawalka baabuurku xawaaraha ugu dheereeya ee uu ku socon karo ay tahay 80 km/h , intaas ma dhaafin karo ama waa in uu ka gaabtaa xawaaraha laakiin kama gudbi karo halkaas, markii aan waydiiyeyna waxay masuuyiliinta shirkadu ii sheegeen in xawaarahaasi yahay kan uu xakeyn karo dirwalku laakiin hadii uu halkaas dhaafo wax walba way dhici karaan markaa waxa ay ka tahay is ilaalin iyo digtoonaan.

Waana horumar balaadhan oo dhaqanka gaadiidlayda Soomaalida oo u ekaa mid fawdo ah ka dhigaya mid leh meel loogu soo hagaago waana loogu hambalyeeyey shirkadaas iyo maamulkeedaba wax qabadkoodaasba