Wasiirrada hawlaha guud iyo warfaafinta oo ka hadlay muranka tiyaatarka Hargeysa

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta iyo Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland ayaa maanta ka hadlay muranka tiyaatarka iyaga oo tibaaxay waxa uu ganacsade Cumar Caydiid xaq u leeyahay iyo waxyaabaha la buunbuuniyey, sida ay qortay wakaaladda wararka xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo saxaafadda u soo bandhigay waraaqo la xidhiidha sharciyada dhulka ayaa tibaaxay in aanu jirin dhul uu madaxweynuhu laba nin oo isku mid ah siiyey laakiin Cumar Caydiid laga kireeyey tiyaatarkii Somaliland muddo 25 sanno ah si uu dib ugu dhiso kadib markii uu ku dumay dagaalladii dalka ka dhacay hase ahaatee jihada koonfureed ee tiyaatarkana la siiyey iyadoo aanay ku jirin jihada koonfureed iyo ta bari oo uu ganacsade Cumar Caydiid labadaba dhisay.

Sida ay wasiirradu sheegeen, dhulka uu Cumar Caydiid ku doodayo in ay barxad baarkin ah u noqonayso waxa la siiyey laba suldaan oo ka soo jeeda bariga Hargeysa.

Wasiirradu waxa ay wax lala yaabo ku tilmaameen in ganacsade Cumar Caydiid aanu ka mahadcelinayn deeqdii ay xukuumaddu siisay, taas ka-soo-hor-jeedkeedana uu ku beddelay olole iyo buuq uu abuuray, waa sida ay hadalka u dhigeene.