Dawladda Tuuniisiya oo bilowday mashruuca lagu dhisayo darbi u dhaxeeya xadka Liibiya ayaa waxa la soo gabagabeeyey qaybtii koowaad oo ah 200 oo mitir.
Darbigan ayaa waxa laga sameeyey jawaanno ciid ah iyo kanaal biyo mareen ayaa waxay xaydaab iskaga dhigeen argagaxiso oo weeraro ba’an ku haysa beriga dhexe.
Wasiirka Gaashaandhiga ee Tuuniisiya ayaa sheegay in wajiga labaad ee mashruucan ay ka mid yihiin dhisida qalab militari.
Ciidammada ammaanka ayaa sheegay in darbiga oo loogu talagalay in gawaadhida aanay xadka ka soo tallaabin si loo yareey dadka tahriibiya iyo kooxahha argagaxisada ahba.
Dad lagu qiyaaso 3,000 oo Tuuniisiyiin ah ayaa waxa ku biireen kooxda Daacish eek a kala dagaalanta guddaha Ciraaq iyo Suuriya.