Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada waxa uu ka hadlay 18-ka May oo ay maalmihii u dambeeyey siyaasiyiin waaweyni muran galiyeen

Wasiiru-dawlaha wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa dalka Maraykanka oo uu kaga qayb galayay xuska munaasibadii 18-ka May ayaa si adag uga hadlay muran maalmihii u Danbeeyey ka aloosnaa maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18-ka May.

Wasiirka ayaa hadlay hadal kasoo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo sheegay inaan la isku wada raacsanayn maalinta 18-ka May, waxaana uu ku sheegay in uu gudcur gudayo Cirro oo aan dalka joogin markii loo dhimanayay taasina waa ta Keentay in uu dafiro waa sida uu hadalka u dhigee.

Wasiirka oo qoraal soo gaadhsiiyay Warbaahinta ayaa waxay u dhingayd sida tan:

“Waxay ahayd 26 June 1960, markii Somaliland ay xornimadeeda ka qaadatey gumaystihii ingiriiska, iyadoo shacabka reer Somaliland halgan dheer u soo galeen sidii ay u heli lahaayeen xoriyad taam ah. Xiligaas ayey u suurta gashay in ingiriisku ka huleelo gebi ahaanba geyiga Somaliland.

Waxaa xiliga Iyana bar-bar socdey Somaliya oo Iyana ku dayatey dhaq-dhaqaaqyadii gobonimo doonka ahaa ee ka socday Somaliland. Halganka ka socda dhinaca Somaliya wuxuu ahaa mid aanay isku raacsanayn dadkii mandaqadaas deganaa, sida la sheegay Cabdilaahi Ciise oo ahaa ragii xiligaas gobonimadoonka ahaa xidhiidhkana la lahaa Somaliland,ayaa shacabkii uu gobonimada u doonayey qaarkood ka dayriyey, isagoo tilmaamay inaan qaar badani diyaar u ahayn inay xoroobaan.Si kastaba ha ahaatee 1 July 1960 ayey ahayd markii ay Somaliya xornimadeeda ka qaadatey gumaystihii Talyaaniga. Isla xiligaas waxaa bilaabmay kooxo siyaasiyiin ah oo dadkii reer somalilaland la dhex qaadayey anaaniyado xanbaarsan midnimo.

Mudo yar ka dib waxaa bilaabmay dhawaaqyo iyo jibooyin somaliweyn ah, kuwaasoo lagu doonayey in laysugu keeno wixii Greater Somaliya la odhan jirey. Cidii ugu horeysey ee bilowdayna waxay ahayd shacabka Somaliland.

Midowgii Somaliya iyo Somalilandee 1dii July1960, wuxuu ku dhamaadey guuldaro,xaqiraad iyo hagardaamooyin loo geystey muwaadiniintii Somaliland ee jibada Somaliweyn u geysey. Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxdey oo daaqada laga tuurey in Somaliland iyo Somaliya ahaayeen laba dal oo midoobey Sida labada Yamanood. Waxaan gebi ahaanba la xusin in laga qayb geliyo mansabyadii ugu sareeyey xukuumadii xiligaas la dhisayey,abaal gudkooduna wuxuu noqdey in wadooyinka waaweyn lagu xardho magaca qaldaan, way iska yimaadeen, yaa u yeedhay, qaad iyo belay la yimaadeen, guryaha haka kireynina kuwa dhiga dheeraha la socda.

Arrinkaasi wuxuu dhirbaaxo iyo dhabarjab ku noqdey rajadii laga qabay waxa loogu yeedho Somaliweyn. Sagaal sanadood ka dib waxaa inqilaab sameeyey cisaabooyin uu horkacayey Maxamed Siyaad Bare, xaaladu markaa waxay u ekaatey inay kala ridasho dhexdooda ahaydi jirto, iyadoo aan cidina kala tashan kuwii siyaasiyiinta sheeganayey ee reer Somaliland. Nasiib daro kooxda uu keli talisku horkacayey waxay sababeen inay gebi ahaanba go,doomiyaan shacabkii Somaliland iyo deegaamadoodii, waxay xidheen dekedihii ugu waaweynaa Africa oo ay ka mid ahayd dekeda Ber-bera, waxay la wareegeen dhamaan hantiyihii shacabku lahaa.Dhacdooyinkaasi waxay sababeen inay dib u tashadaan shacabkii iyo Siyaasiyiintii Somaliland, waxaa bilaabmay halgan hubaysan oo lagaga soo horjeedo kooxihii ka botorinayey Muqdisho ee ku mumay dhiiga shacabka Somaliland, waxaa xusid mudan xasuuq yadii badnaa ee ay ka geysteen gobolada dalka, kuwaasoo ay ku beegsanayeen muwaadiniinta Somaliland, waxaa in laga murugoodo mudan xasuuqii Jasiira oo ay kooxdu ku xasuuqday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.Halgan dheer ka dib shacab Somaliland waxaa u suurta gashay inay la wareegaan gebi ahaanba dhulkoodii ay kula midoobeen Somaliya . Waxay ahayd 18 May 1991 markii shacabka Somaliland si buuxda ula soo noqdeen dawladnimadoodii godka kaga dhacdey.

Gebo-gebadii,waxaa jirtey xiligaa halganku socdey ee cid waliba meeshay joogtey ka halgantey, kooxo ku abtirsada Somaliland ilaama xiligii laga fara maroojiyey siyaad bare la shaqaynayey. Kooxahaasi waxay leeyihiin siyaasiyiin iyo shacaba, waxay wadaan haq-dhaqaaqyo iyo duur xulo siyaasadeed oo ay shaki ku gelinayaan jiritaanka 18 May, taasoo ah maalin qaran waana maalintii lala soo noqday dawladnimadii 26 June 1960 Ingiriiska laga xoreystay.

Kooxahaas aan kor ku soo sheegnay waxay bud-dhig uga dhigteen ololahooda wax doonka ah inay arintaas wad-wadaan, arinkaas jawaabtiisa iyo difaaceedu wuxuu u yaaaa shacabka Somalilaland ee halganka dheer u soo marey qadiyadan. Qoladana waxaan leeyahay ninkii shaqada laga rabay inuu lixda subaxnimo yimaado ee kow iyo tobankii yimow ka daa shacabka haku dhaq-dhaqaajin nabaradii uu kaga tegeywaranka dhiiga lahaa ee Siyaad Bare.”

bandhige@gmail.com