Wefti uu hoggaaminaayo Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu kaga qayb galay gunaanadka diwaan-gelinta deegaanka Salaxlay

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo u jeedkiisu ahaa u soo hambalyeynta dadka ku dhaqan deegaanada hoos yimaada degmada Salaxlay, qaabkii fiicnayd ee ay isu soo diiwaan-geliyeen isla mar ahaantaana ay si weyn uga qeyb-qaataan gunaanadka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxay maanta ay ku tageen   deegaanada Toon, Qool-cadey iyo degmada Salaxlay.

Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen, Guddoomiye-ku-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee xisbiga Waddani, ku waasi oo soo dhaweyn ballaadhan kala kulmay guud ahaan deegaanaddaasi.

Afhayeenka xisbiga Waddani, Siyaasiyiin, Madaxdhaqameed, dhallinyaro iyo haween aad u tira badan oo ka hadlay deegaanada lagu soo dhaweeyey weftiga SAMA-WADE, ayaa dhammaantoodba muujiyey sida ay ugu faraxan yihiin booqashada uu ugu yimi xisbiga Waddani.

Guddoomiye-ku-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibbaan Aareeye, Siyaasi Xamarje, Siyaasi Cali Cantar iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba si weyn ugu mahadceliyey qaabkii diiranayd ee loo soo dhaweeyey, waxaana ay tilmaameen in ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta aan loo kala hadhin ee ay shacabka deegaanaddaasi ku qaabileen, iyaga oo sida oo kalena farta ku fiiqay in la gaadhay wakhtigii ay shacabka deegaanaddaasi ay fartooda kaga ciil bixi lahaayeen dawlad aanay ku qabin xil iyo horumar toona isla mar ahaantaana dayacday shacabka ku dhaqan deegaanaddaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo isna dhankiisa la hadlaayey shacabka ku dhaqan deegaanaddaasi, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ugana mahadnaqaayo qaabkii diiranayd ee loo soo dhaweeyey, waxaana uu ugu hambalyeeyey siddii habbooneyd ee ay uga wada qeyb-qaateen isla mar ahaantaana guusha uga soo hooyeen diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha, iska oo ku guubaabiyey in maalmaha hadheyna ay si weyn iskaga diiwaan-geliyaan deegaanaddaasi, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Farxadweyn ayey noo tahay in aanu maanta idin soo booqano, waana aanu idiin ka mahadcelinaynaa sida habboon ee aad noo soo dhaweyseen, xisbiga Waddani hore waa kii idin kuugu yimi e’ idin kala qeyb-galay horraantii diiwaan-gelinta, se maanta waxa aanu u soconay maadaama oo aan beryahan ku maqnaa dalka dibaddiisa in aan anna idin kala qeyb-qaato gunnaanadka diiwaan-gelinta, waxaana aan aad iyo aad idiin ku hambalyeynayaa guusha weyn ee aad ka soo hoyseen diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha Somaliland.”

IMG_1413 IMG_8171 IMG_8269 IMG_1322

IMG_1203 IMG_1207 IMG_1196

bandhige@gmail.com