Mahadin Illaahay ayaa Mudan, Naxariis iyo Nabaadiinona wehelka Nebi Muxammad ha ahaato.
Oogada adduunyada baaqyo badan ayaa ku dul hirdama. Baaqyadaasi waxa ay isugu jiraan kuwo suubban oo samo ku yeedh ah iyo kuwo silloon oo soof-daran habaabin ah. Sadaradan kooban ee soo socdaana waxa ay doonayaan in ay dul istaagaan dacalna ka yara faydaan baaq hungeedyo Arradinta iyo gumaynta gabadh-dha Muslimadda ah looga gol leeyahay.
Kahor inta aanan dulucda fariintan u gonad degin ayaan rabaa in aan ku yara hakado; Arrad muxuu yahay? Arradinse maxaan ula jeedaa? Arradku waa laba jaad. Mid koreed (muuqda) iyo mid kaleed (Qarsoon). Mid waliba waxa uu leeyahay astaamo lagu garto iyo baadi-soocyo lagu aqoonsado.
Arradka koreed waxa astaamo u ah; kabo calfo ah, maryo calal ah iyo hoy holof ah oo hoostiisu maacuun, marriin, iyo maqoorad ba ka madhan tahay. Midka kaleed isna ma qarsoomo oo tilmaamihiisa waxa ka mid ah, damiir xumo, iimaan xumo, isla wayni, gardiidnimo, naxariis darro, iyo laguug kale oo aan qoraal yare kan oo kale ah lagu dhammayn karin. Haddii docda kale laga daymoodo na tilmaamaha ay ka mid yihiin run sheega, cadaalada-falka, daacadnimada, iimaan-qabka, xishoodka, gargaaridda dhibbanayaasha (dad iyo dugaag ba) gardarro ka joogsiga, gunnimo ka geylanka iwm ayaa iyana ah tusiyayaasha maqnaanta arrad kaleedka.
Arradinta iyana waxa aan ula jeedaa asluub tirka dumarka lagu mukhaynayo si milgahooda loo melgo, sharaftoodana loo mija xaabiyo iyada oo iskujoog xuquuqeed xariir loo ekaysiiyay loo soo xidhanaayo.
Si aynu u fahanno xaqiiqada xuquuqda ay raadinayaan ururada iyo ashkhaasta amuurtan ku fooggan, waxa aynu kormeer ku samayn doonnaa himilada ay rabaan in ay haleelaan iyo qaab nololeedka ay haweenka u soo sahamiyeen sida uu u egyahay. Balse inta aanan midh kaa u tegen aan si dul mar ah uga tibaax bixiyo islamka iyo haween ka halka uu dejiyay.
Islamka dhexdiisa qof ku lab iyo dhedig kii uu doono ha noqdo e waa uu maamuusan yahay. Midhka arrintaa labeeya ayaa isna ah in ay siman yihiin oo aanay ku kala sarrayn midab, isir, hanti, jinsi iyo jinsiyad midnaba, Marka laga reebo cabsida Wayne, oo iyadu ah halbeegga Keliya ee lagu dhereriyo kala heersarraynta dadka.(1) Garo oo waxa aan u jeedaa, ma gudboona mana sinna Alle yaqaanka iimaankiisu shilisyahay iyo shakhsiga jiritaanka Alle ba shaki kaga jiro ee shaydaanku qool ku mareegaystay. Sidoo kalena ma sinna ribo ruugga dulsaarka dudubiya iyo midigmaalka seeraha Ilaahay ka ooday aan ku saqajaamin.
Imaatin kii islamka ka hor haweenku aad ayaa ay u hagardaamaysnaayeen oo godob guun ah ayay la noolaayeen. Xuquuq badan oo ay lahayeen na waa laga xoogi jiray. Sida loo gumeeyn jirayna na baalsha soyaalka iyada oo farwaawayn ku qoran ayay ku xardhanyahay.(2)
Waayadaa aduunku waxa uu ahaa goob madaw. Meel ay ku cadaaban yihiin haweenku, oo dulli gaamuray dusha kaga heeryaysan yahay. Dumarku waxa ay ahayeen xoolo Idaha iyo Riyaha la mid ah!. Am aan idhaahdo e, wayba ka sii liiteen xoolaha, Maxaa yeelay waa la bahdili jiray, la buquunjin jiray, la nacladi jiray, la xoori jiray oo weliba gobolada qaar la xabaali jiaray iyaga oo nool. Xaaladaas iyaga oo ku jira ayaa ilayska islamku soo iftiimay oo kaahiisa dhulka ku kala bixiyay. Is beddeladii ugu waa waynaa ee islamku la yimid ayay ka mid ahayd doorinta xaalad nololeeddii dumarka ee waagaas jirtay. Islamku haweenka inta uu habaaska ka soo hinjiyay ayuu heegada sare geeyay. Boholo iyo booraamo aroorsan ayuu ka soo bixiyay kolkaas ayuu boqorado ka dhigay. Waxa uu u soo celiyaya dhamaan xuquuqdoodii ina-rag ka xayuubsaday. Oo ay ka mid yihiin (aanse ku dhammays tirnayn):
Xaqa xoolaysiga: islaamka ayaa 1400 oo gu’ ka hor xukumay in haween ku hantidooda ay u madax bannaan yihiin, sidii ay doonaan na u maamuli karaan, ganacsi ku maal gashan karaan, dar Alle u baxsan karaan, kaydsan karaan, iayada oo cid u gacan dhaafi kartaana aanay jirin.
Xaqa wax barshada: waxbarashadu iyadu xaq ba ma aha ee waaba waajib ama sandulle in qof kasta oo Muslim ahi waxbarto oo aqoon u yeesho Amuuraha diintiisa iyo aqoonta kale ee tijaabada lagu ogaaday ba (aqoonta addunyo) (3).
Xaqa xulashada lammaan nololeedka: gashaantidu marka ay guur u hollato, Aabeheed, hooyadeed, iyo walaal keed midna kuma dirqiyi karo nin aanay doonayn. Dokheeda iyo cidda ay iyadu danaynayso in ay nolosha la wadaagto ayuun baa dunta loogu xidhi karaa. Taa macnaheedu ma aha in talada waalidka la tuurayo oo aan la tixgelinayn, lakiin waa in go’aan ka ugu dambeeyaa gabadha guur doonka ah gacanteeda uu ku jiro.
Maamuus ka islamku haweenka ku marriimay ayaa iyana ay ka mid tahay in horumarinta bulshada ay qayb libaax ka qaadataan. Barbaarinta ilme baraarugsan, basar wacan oo aragtiyo fayow na lagu ababiyay wax la fududaysan karo ma aha. Halkaas ayayna ka caddahay in kaalinta hooyonimadu ay tahay halbawle aan cid kale buuxin karin! Akhriste bal adigu suuree sida noloshaadu u ekaan lahayd tababarka iyo taakulada hooyo la’aanteed? Runtii doodi kama taaganna, cidina ma dafiri karto in hooyadu tahay dugsiga kalgacalka iyo naxariista laga barto, hoyga kalsoonida laga kasbado, iyo meesha hanaqaadnimada maskaxeed ee qofka saamaynta ugu badan ku leh.
Si kastaba ha ahaatee, intaas uun hawsheedu ku ma eka. Adeegyada bulshada, arrimaha siyaasadda, Adeegyada caafimaadka, dagaal ka afeed iyo ka gacmeed ee lagu difaacayo islamka iyo dhulkiisa, doodaha cilmiga ah, dhamaan arrimahaas iyo kuwa kale ee aanan xusin ba kaalinteeda ayaa ay ku leedahay.
Haddii hadal ka la soo uruuriyo na diintan dooran dhexdeeda ragga iyo haweenku xuquuq ahaan iyo masuuliyad ahaan labadaba waa ay ka siman yihiin oo mid koodna sed dheeraad ah lama siinin. Cid kasta oo islamka ku eedaysa in uu haweenka hoosaysiiyay ama uu godob gaar ahaaneed ka galayna waa cid aan dooc badan ka qabin waxa uu gudo iyo waxa uu galo midna ba. ama waa damac xumayaal dano kale leh.
Himilooyinka xaquuq beenaad ka laga leeyahay
Himilada loo halgamayaa buste kuma dedna, caad na ma saarra e sida beed ka gorayada ayay bannaan cidla’ ah iska taal. Xubnaha u cumaamadan baadi goobka xuquuq beenaad ka ayaa qawl iyo qoraal ba si qeexan yoolkooda ugu cadeeyay. Sidoo kalena haddii loo kuur galo xaaladda nololeed ee haweenka ku dhaqan dhulalka xuquuq beenaad ka iyo xoriyada bi’snimadu ku badhxantahay ay ka hanaqaadeen, ujeedada oo aan asturrayn ayaa si fudud loo arki karaa.
Hadaba aniga oo tixraacaya labadaa xaglood ee aan carrabbaabay aan wax ka taataabto yoolalka ay yaboohinayaan. Himilada ugu fog ee baaq hungeedyadu bar tilmaameed sanayaan waxa ka mid ah,
Dabargoynta diimaha, gaar ahaanna Diinta Islamka.
Dr.Nawal Sacdawi waa islaan aflagaaddo badan oo goor walba Ilaahay iyo Islamka deelqaaf iyo afxumo u darandoorida. Waxa ayna ka mid tahay kuwa safka hore lagaga daro u halgamayaasha xuquuqda dumarka. Inta badanna waxa ay ka qayb gashaa shirarka Amuuraha dumarka lagu gorfeeyo ee ay maalgeliyaan qaramada midoobay iyo ururada u hoos-gelmaysan.
Islaantan Cilmaaninimada ku carraysatay waxa ay faq iyo fagaare ba kaga sheekaysaa in diimuhu ay dumarka dulleeyeen oo ragga ugu roonaadeen awoodo iyo xuquuqo dheeri ah, sidaa darteedna ay habboontahay in xeer diimeed iyo hab nololeed diin ku aroora oo dhan laga durko. Buugta wixii aqoon diimeed ku duugan tahayna la daboolo oo aan dib loo kala furin. Shir haweeneed ka dhacay Magaalada Montreal ee dalka Kanada 1990 (4), Dr.sacdawi waxa ay ku durtay diimaha, Islamka, yuhuudiyada iyo kiristanka ba.
Dabar goynta diimaha iyo daffiraadda Allaha boqorka ahi in ay tahay ujeeddo nool waxa caddayn u ah sida duul ku ay mar walba diinta islamka iyo dib u dhac isula doontaan. iyaga oo hagaasidda muslimiinta ee dhinaca Tiknoolojiga sabab uga dhiga diinta lafteeda.
Ka xoroobidda xishoodka, dhawrsoonida iyo edebta suubban.
Galmada oo qaabab fool xun loo guto, gogol dhaafka oo aan la iskula yaabin, dadka aan geyaan ka isu ahayn oo golgol wadaaga, (sida walaalaha, isu abtiga, isu eeddaha, iwm), ragga oo is naagaysta, dumarka oo kaalinta labka iyo dheddiga labada ba iyagu isu metala, iyo carruuta oo lagu carbiyo sidii ay saxiibbo (girl friend/boy friend) u samaystaan lahayeen iyaga oo weliba aad u da’ yar, kuwaasi waa qaar ka mid ah riyooyinka kuwa xuquuq beenaadka xambaarsani naawilayaan in ay ka rumeeyaan dhulalka islamka iyaga oo fuulxumooyinkaa magacayada horumar iyo ilbaxnimo ku dahaadhaya, dhinac kalena xayndaabka xuquuqaha iyo xorriyadaha si gardarro ah u dhexgelinaaya.
Cilmi baadhis loogu kuur galay anshax ahaan bulshada ingriisku halka ay ka taagan tahay gogl dhaafka ayaa xaqiijiyay in ay arrintaasi agtooda ka tahay wax iska caadi ah. (5)
Cilmi baadhis kale oo ay samaysay haya’da Paw Research Center 2013, waxa ka soo baxay in bulshooyin ka dalalka Canada, Germany, iyo Spain, in ka badan 80% dadku aanay wax dhib ah u arag isku jinsiga oo isu galmoodka!(6)
Qaawanaanta oo haweenka lagu qalqaaliyo, loo qurxiyo mararka qaarna si toos ah ama dadban loogu qasbaa waa hadaf halgan kaa qaybtiisa ku leh. Ururada xag jirka ah sida FEMEN group (7) waxa ay wacad ku maraan in ay haweenka xorayn doonaan oo ay xeryaha diimaha iyo caadooyinku ku xereeyeen ay ka saari doonaan iyaga oo adeegsanaya hubkooda wax gumaada oo ay ku sheegeen in uu yahay horaado (naaso) qaawan iyo dumar mudhux ah oo mudaharaaddo ku mara waddooyinka.
Ku reeryaysanayaasha xuquuq beenaad ka waxa laf dhuungashay ku noqday xijaabka!
Cabdi Hadi Cabbaas (mid ka mid ahaa Aabayaasha cilmaaniyada carabta) ayaa isaga oo ka calaacalaya hawraartiisa cidina ka hoos qaadi wayday yidhi “walaaca ugu culusi waxa uu kula soo dersayaa marka aad aragto Dhabeel dhiganaysa kulliyada caafimaadka ama injieernimada oo baranaysa aragtiyihii ugu dambeeyay misana aaminsan in jidhkeedu cawro asturaad u baahan yahay. Sharafna u arkaysa xijaabka ay xidhantay oo xataa mar keliya aanu dubaaqeeda ku soo duxaynin in ay nacdo (ka xorowdo)” (8)
Duq kale oo Suuriyaan ah oo lagu magacaabo Dr. Najax Cudar kana mid ah dadka calan ka u sida xuquuq ku sheegta ayaa iyana ku doodday sidan, “markaan daraaseeyay xaaladda haweenka ee suuriya waxa ii soo baxday in qadiyadda sharafka iyo dhawrsoonidu tahay dabarka haweenka ka laba dibleeyay in ay horumar ka gaadhaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo waaxyaha kale ee arrimaha bulshada ba” (9)
Sharafta iyo dhawrsoonidu marka idhahooda lagu eegayo keliya waa haysashada hanti iyo magac. Gabdhii dhaqaale abuuri kartaa waa mid dhawr soon xataa haddii ay jidhkeedu ka ganacsanayso.
Gunaanad
Hanti badan ayaa loo huraa aadna waa loogu heellan yahay baaq hungeedkan haweenka lagu bar tilmaameed sanayo. Bi’inta anshaxa iyo bud-dhigga asluubtana dirir culus ayaa loogu jiraa oo aan habeen iyo dharaar toona laga nasan. Hadaba maxaa la gudboon bulshooyinka dagaal kaa gurintirnimada ahi ku socdo?
Ugu horraynta waa in hal mid ah si adag loogu baraarugsanaadaa. Mid kaasina waxa uu yahay in Adduunkan mamulkiisa Ilaahay gacanta ku hayo. Shirqoolwadayaashana sharkooda uu iyaga dib ugu celin doono, Taasina laba shardi ayaa u xidhan,
- Dulqaad badni. Caaddifada oo la xakameeyo caqliga na si adag loo hawl geliyo, xammil iyo adkaysina loo yeesho gudbinta farrinta iyo ku dhaqankeedaba.
- Allah oo laga cabsado: Dadka oo hir gelinta diinta iyo amaradda Alle wax wal oo kale ka horaysiiya. Taasina waa Tusmada aayaddani tilmamayso,
{وإن تصبروا وتتقوا لا يضركم كيدهم شيئاً}
Waxa kale oo Bulshooyinka la weerarsan yahay la gudboon in ay Haweenka waxbarashada ka haqab tiraan oo ay aqoonta diinta iyo ta maaddigaba meel sare ka gaadhsiiyaan si ay u noqdaan dad dhugmo sare leh oo dhagarta cadwgu u maleegayo ka sii hor degi kara.
Allah ayaa ogaal badan.
Tixraacyada qaraalka,
(1) Qur’an 49:13
(2) Eeg dhiganayaasha ay ka mid yihiin:
Encyclopedia of Britannica, 11th Ed., Vol. 28
Marriage East and West, By Vera Mace, and David Mace.
(3) Waa marka laqaato sugnaanshaha Xadiiska “طلب العلم فريضة على كل مسلم”
(4) Maqaal uu Gwynne dyer 3, julay 1990 ku qoray Toronto Star
(4) Mid ka mid ah daraasadaha muujinaya waxa ka mid ah tan,
(5) http://www.telegraph.co.uk/news/uknews/11408328/Adultery-not-a-problem-for-most-Britons.html
(7) FEMN group waa koox u dagaalanta sidii dumarka dunida qaarka sare u qaawin lahaayeen ee gunti gab keliya isugu reebi lahaayeen.
(8) Buuga : ماذا يريدون من المرأة waxa qoray البسيوني السلام عبد
(9) isa tixraaca sare
Khadar Faarax Siciid
Burco Somaliland,
Email: Dalmartogdheer@gamil.comFacebook: Khadar Faarax Siciid