Cismaan, waxa ciilaya wakhtigga, waxaana soo waajahay duruufo aannu hore ugu tallo-galin.Waxa si lama-filaan ah u geeriyooday Aabihii oo ka mid ahaa laf-dhabarta nolashiisa iyo ku-salaynta dhammaan goโaamadda iyo qorshayaashiisa nololeed.
Waxa isku-dhex-yaacay hammi iyo higsi waxii uu lahaa, shay kastaana waxa uu noqday uun hadal aan ficil-waddan. Hadda ma samayn karo hal-taalabo oo ku aaddan waxa maankiisa ka guuxaya iyo dareenka jacayl ee uu hayo Canab. Waxa uu noqday Nin buka, boqoli u talisay.
Dhinac waxa uu kala xarbiyayaa tacsida aabihii iyo samir-siinta ehelkiisa, dhinac kalena waxaย ย culays laxaad leh kaga haya falaadhaha kaga soo burqayana dhinaca Canab iyo ka-fikirista qorshe guulaysta oo Inantaas lagu hanan-karo. Cismaan reer isaga ayaa u xoog ah, kaliya waxa ka weyn inan (Gabadh) hadda reer leh oo la-qabo, isla-markaasna deggan Magaallo kale.
Dhammaan xubnaha qoyska, kii waxbarasho u baahnaa, kii caafimaad u baahnaa, kii huโ u baahnaa isaga ayay dul-saaran-tahay, waxaana aad u adag in uu isku waddo masuuliyadda reerka uu u qaaday iyo ka-midho-dhallinta jacaylka uu u qabo Canab.
Ninkii Cismaan ee ahaa bulshaawiga ahaa, hadda waxa uu ku dhaw yahay in uu isdhaafo oo uu Maskaxiyan wax-noqdo, waxaana la deris noqday wer-wer laxaadkiisa leh, waxa uurku-taallo weyn ku reebtay Geeridda naxdinta lahayd ee ku timid aabihii. Waxa gabi-ahaanba is-bedelay muuqaalkii Cismaan.
Hore waxa uu ahaa Nin aad u xarrago badan, kaas oo ay asxaabtiisu aad uga heli-jireen qaab-labiskiisa iyo kaftan-wadaagiisa, haddase ilaa la-yidhaahdo dharka iska-bedel isma xasuusto, ilaa wax-la-weydiiyo ma hadlo, ilaa wax-loo-diro waxba ma doonno. Inta badan wakhtigiisa waa uu hurdaa, inta kalena waxa uuย ย kaligii fadhiyaa meel-gaar ah.
Guud ahaanba waxa hoos u dhacay nolashii Qoyska, waxaanay Hooyaddii la kifaaxaysaa nolol-maalmeedka Qoyska iyo korinta carruurta ,iyada oo dhinaca kalena si weyn uga murugaysan isbedelka ku yimid wiilkeeda Cismaan oo ahaa xoog ay ku xisaabtamayaan, maadaama aad loogu soo tabcay wakhtiyo adagna lagala soo dabaashay.
Aabihii waxa uu wax hanti ah reerka uga tagay marka Guriga ay degan yihiin laga reebo meherad Tukaan ah oo ku taalla Suuqa, kaas oo isaggu gacanta ku hayn-jiray, balse hadda meheraddiina wey sii shiikhaysaa, kadib markii dhawr jeer shaqaalaha laga bedelay, taas oo keentay in ay hanti badan oo meheradu lahayd ay lunto, waxaana hadda gacanta ku haysa Hooyaddii oo wakhti kooban haysa, iyada oo inta kalena kaga timaada Inan (Gabadh) yar oo carruurteeda ka mid ah, si ay qadada ugu kariso carruurta dugsiga kasoo rawaxaysa, isla-markaasna ay gallinka danbena ugu dirto Malcaamaddii iyo dugsiyo gaar ah oo ku dhigtaan Qurโaanka, Luuqaddaha iyo Xisaabta.
Cismaan, waxa xog-waraysi ugu tagay shaqsiyaad ehel iyo asxaaba iskugu jira, kuwaas oo rabbay in ay u kuur-galaan xaaladda dhabta ah ee uu ku sugan yahay Cismaan, isla-markaasna ay u ogaan lahaayeen waxa saldhiga u ah isbedelkan ku yimid wiilka, balse nasiib-darro kumay guulaysan in ay ka ogaadaan macluumaad raad-raac leh oo lagu hawl galo.
Habeenkii inta badan Cismaan waxa uu noqday Qof isla-hadla oo xoog mararka qaarkood u qayliya, waxaana inta badan uu kusoo cel-celiyaa:
โWalaalo Canabeey, sidaas hayga yeelin, Naftaydda iyo mustaqbalkayguba maanta gacantaada ayey ku jiraan, haddii aad iga dhego-adaygto ogaw, waxa khatar galaysa nolashayda, waxaanan door-bidayaa in aanan dunidda kusii dul-noolaanin.โ
Lasocoโฆโฆ..Qeybaha Danbe oo Xiiso gaar ah leh!
W/Q: Mohamed Hassan Daacad
Email:Daacad461@gmail.com