Wakhti aad u badan ayaa waxa shacbiga kaga lumay doorasho ku qotonta hebello la isku badalo, taasina waxa ay keentay in magacyo uun ay isbadaleen balse cabashadii iyo horumar la’aantii laga cabanayay ay halkii wali taagan tahay ama ka sii dartay
Hadaba su’aasha is waydiinta lihi waxa ay tahay halkee ayay wax ka qaldan yihiin?
Ma shacbiga ayaa wax ka qalkdan yihiin oo nidaamkan iyo qaabkan ay wax u dooranayaan ayaan ahayn kii saxa ahaa, ma shacbiga ayaa kala qaybsan oo iniba ay si gaara u aragta horumarka iyo hor-u-socodka dalka.
Ma madaxdaa dalka ayaan daacad ahayn oo marka la doorto, shacbiga iyo dadka ay u dhaarteen khiyaamaynaya, mise madaxda la dooranayo ayaa qaabka loo dooranaayo iyo sida loo xulanaayo ayaa waxa ay ku salaysan tahay Qabiil iyo Qabyaalad.
Mise Madax iyo shacbiba haddii laysku keen daro waxa aynu nahay dad aan aqoon iyo waaya’aragnimo u lahayn hanaanka dawladnimo ee saxda ah, isla markaana aan garanayn waxa ay Dawladnimo tahay iyo waxa laga faa’iido.
Haddaba markii aan in badan u fiirsaday cabashooyinkan shacbiga ee aan dhammaanayn markastana soo noqnoqonaya, markii aan u kuur galay waxtarka iyo wax-soo-saarka madaxda dalkuba in aanu dhaafayn dharigooda iyo dhuunigooda.
Markii ay ii muuqatay in ninkasta wakhtiga uu kursiga Madaxnimada ku fadhiyo iyo wax-soo-saarkiisu ay kala badan yihiin, markii aan fahmay in Madaxda Dalku ay ogaadeen in shacabku ay yihiin dad aan aqoon u lahayn Ninka madaxda wax ay ku doortaan iyo wax ay ku diidaan.
Waxa aan maskaxdayda iyo waaya’aragnimadayda markii aan la shawray ii soo baxay in qaladka u wayni uu ka jiro dhinaca shacbiga sababahan hoos ku qoran awadood:
- Shacbigeenu marka hore ee ay qof dooranayaan waxa ay ku doortaan Qabiil balse kuma doortaan yaa wax idiin qabanaya, kuma doortaan waddankan kumaa horumar gaadhsiinaya, ma yaqaanaan shacbigu qaabka iyo hanaanka lagu ogaado ninka wax qabanaya iyo suurada uu leeyahay.
- Shacbigeenu marka ay wax dooranayaan waxa ay doortaan Hebel waxaanay ku badalaan Hebel, kadibna iyaga oo qaladka intaa leeg galay ayey waxa ay sugaan in ay helaan Dawlad horu-mar gaadhsiisa.
- Shacbigeenu wax kuma doortaan cida ay is leeyihiin harraadka iyo biyo la’aanta ayuu idinka saarayaa, ee waxa ay wax ku doortaan jibbo iyo xisbi hebel caleemo loo-lulo iyo nin dantiisa ku gaadhaya oo kolba suudh usoo tosha.
- Ma jirto mana arkaysid meel iyo madal laysku waydiinayo Xisbiyada dalka ka jiraa iyo sharciyadoodu waxa ay tahay, ma maqlaysid Xisbi kaliya oo la waydiinayo waxa uu kaga duwan yahay kan hadda Xukunka haya, cidii waydiin lahayd ee aqoonyahanka ahaydna iyadaaba kow ka ah hanaan xumada ina haysata.
- Waxa aad maqlaysaa maalinkasta oo Alle keeno waxa maanta Xisbi hebel kasoo diga-rogtay koox hebel iyaga oo usoo diga-rogtay Xisbi hebel, haddii aad waydiiso oo aad tidhaa ma ii sharaxi kartaa markii hore Xisbigan aad kasoo diga-rogatay sharciyadiisa iyo wixii aad ku doraato, way adag tahay in aad ka hesho jawaab waafiya, sidaa aawadeed Xisbigan uu hadda usoo diga-rogtayna ma yaqaano wixii uu ku tageeray ama uu ku jeclaaday.
Maalin maalmaha ka mida ayaa aniga oo Hargeysa jooga isla markaana lagu guda jiro doorashadii Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Siilaanyo ayaa waxa aan arkay laba nin oo xamaaliin ah saaxiibna ah iskuna haysta cidda doorashada kusoo baxaysa iyada oo midkastaaba kan la qabiilka ah uu si xun u taageerayo.
Kadibna maadaama aan labada ninba aan aqoon u lahaa ayaa inta aan kusoo leexday ayaa waxa aan ku idhi, maxaad isku haysataan ee aad la xiiqsan tihiin maanta, maxaase idinku dhacay oo idinku soo kordhay awalba waxa aad ahaydeen laba nin oo saaxiibo ahe. Waxay iigu jawabeen:
“Saaxiib waxa nagu soo kordhay waxa aanu isku haynaa doorashada dalka ka jirta, midkasta oo naga midi ahina waxa uu taageersan tahay ninka uu la qabiilka iyo qolada yahay, taasi ayaanu isku haysanaa.”
Waxa aan waydiiyay Su’aal ah:
“Labada Madaxwayne ee tartamaya aqoon gaar ahaaneed miyaad isu leedihiin?.”
Waxay iigu jawaabeen:
“Xaasha dameerahayaguna isma gayaan, waayo annaguna xamaaliin ayaanu nahay iyaguna (madaxdu) waa nimanka kibray ee madaxnimada u tartamaya.”
Su’aal saddexaad ayaa haddana waydiiyey:
“Ma waxa aad ku kala tageersan tihiin labadan Madaxwayne sida ay dalka iyo dadka u kala horumarinayaan?.”
Waxay ku jawaabeen:
“Xaasha, maya Illaahay ayaa og midkii wax qaban doona, laakiin anagu waxa ay doodayadu ku salaysan dadkuna uu nagala mid yahay, in aan sheekada fadhi-ku-dirirka aan nalaga badin haddii aanu Reer hebel nahay, sidaa aawadeed anaga waxa ay noogu dhan tahay in nin Qabiil kayaga ahi uu dalka u taliyo oo kaliya, Jinna ha qabsadee.
Ma nidaamkaynu badalnaa mise Hebel ayaynu Hebel ku badalna ?
Hadiiba uu jiro Nidaam iyo qoraal inoo yaala oo ay tahay in la raaco ,shacbiguna uu ku ilaaliyo Madaxda oo kii ka leexda meel looga soo wada jeesto markasi ayaa Dadka iyo Dalkuba uu horu mar gadhayaa .
Midna waa iga xasuus Dadweynow. Ma ogtihiin in aanu jirin siyaasi siyaasi kale la col ahi, ma la socotaan in siyaasigu saaxiibka kaliya ee uu leeyahay uu yahay siyaasiga kale ee kasoo horjeeda, ma u malaynaysaa in siyaasiyiinta iska soo horjeedaa ay yihiin kuwo ka midaysan kuna wada socda gaadhista kursiga Madaxnimada.
Ma filaysaa in siyaasiyiintu hadalada ay Idaacadaha isu mariyaan ay yihiin kuwa shacbiga loogu talagalay, balse ma isleedahay marka ay iyagu wada hadlayaan way ka gadisan tahay sidaasi.
Ogsoonow ninkasta oo Madaxa oo xun haddii shacbigu wanaagsan yahay waa la toosin karaa, laakiin haddii shacbigu aanu lahayn wax uu ku qiimeeyo ninka madaxda way adag tahay in Madaxduna ay wanaagsanaato.
Gabayaagii waynaa ee Axmed Diiriye Qaasim ayaa wakhtigii uu Gumaysiga Ingiriisku xoriyada siiyay Somaliland, ayaa waxa shaqadii iyo xafiisyadii dawladda la wareegay oo Madax iyo Minjaba ka noqday ragii wakhtigasi wax ku soo bartay dugsiyada Gumaysiga.
Haddaba halkii laga filayey in ay dhammaan kana wanaagsanaadaan Gumaysigii Ingiriiska, ayaabay kasii dareen, kadibna Gabaygan ayuu ka tiriyay Qaasim oo aan qayb ka mida idiinka soo qaaday:
Dambi ku hadli maayee ma arag dawladaan rabayee,
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee,
Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee,
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal’e
Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaynay,
Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay,
Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay,
Sidii aan dayaysnahay miyaan dawga ka habaabay.
Fiiro gaar ah. Qoraalkan waxa uun aan uga jeedaa talo-bixin guud, balse ugama jeedo in aad cid gaar ah ku dhallilaayo, waxa uun ay iga tahay tallo iyo tusaale aan isleeyahay malaha haddii la raaco waxba idin hagaagi, iyada oo aan ogahay in intan aan soo qoray iyo in ka badanba ay dadku garanayaan balse hadana waxa baa ina jiidhay.
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar