Waxa Hargeysa lagu qabtay olole la magac baxday Itus Miisaaniyadaada

 

Waxa Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ka dhacay maanta dood-cilmiyeed ay soo qaban qaabiyeen ururka xoojinta qaranimada iyo horumarka ee Dalsoor, kaas oo lagu gorfeeyay sidii doorashooyinka soo socda ee Somaliland looga ilaalin lahaa qabyaalda iyo cunfiga.

Waxa ka soo qayb galay saddexda xisbi qaran oo madasha ku dhawaaqay in ay ilaalin doonaan anshaxa doorashada iyo nabada, isla markaana ay ka dheeraan doonaan qabyaalada.

Ururka Dalsoor wuxuu muujiyay in daraasad dheer kadib oo uu sameeyay ay u soo baxday in waxyaabaha qabyaalada xoojin kara in ay ka mid tahay in axsaabtu aanay lahayn barnaamijyo siyaasadeed oo kala duwan, oo lagu kala dooran karo.

Ugu dambayntii waxa ururku uu shaaca-ka qaaday olole uu ugu magac daray (Itus-Miisaaniyadaada) oo hadafkeedu yahay in saddexda xisbi qaran lagu dhiirigaliyo in ay miisaaniyada ay dalka ku maamuli lahaayeen shanta sannadood ee soo socda ay sii diyaarsadaan, si ay u muuqato kala duwanaashaha barnaamijyada axsaabta, taasoo qabyaalada meesha ka saari karta.

Wakiilka Xisbiga Kulmiye
Wakiilka xisbiga UCID
Wakiilka Xisbiga Waddani

 

bandhige@gmail.com