Dumar loo qaybiyey ulo si ay u uleeyaan ragga qaba

 

Aroos wadareedyo loo qabtay boqollaal lamaane oo aroos ah oo ka dhacay dalka Hindiya ayaa waxa dumarkoodu loo qaybiyey ulo, waxaana laga dalbaday in ay u isticmaalaan hub ay isaga dhiciyaan ragga qaba, haddii ayagoo cabsan ay ku gardarroodaan.

Ku dhawaad 700 oo caruusadood ayaa loo qaybiyey ulaha, kuwaasoo lagu guursaday guur wadareed ka dhacay magaalada Garhakota.

Farriimo ay ka mid ahaayeen ujeedooyinka loogu talo galay ulaha ayaa waxay u dhignaayeen sida tan:

“Waxaa loogu tala galay in loo adeegsado sakhraamiinta.”

Ulaha loo qaybiyey dumarkan ayaa waxay dhererkoodu leekaa 40cm, waxaana dhaqan ahaan loo isticmaalaa xarumaha dharka lagu maydho.

Gopal Bhargava oo wasiir ka ah gobolka Madhya Pradesh ayaa sheegay in uu doonayo in la iftiimiyo mushaakilka xagga qoysaska.

Wuxuu u sheegay dumarka in ay sabab u yeelaan marka ay raggooda ku garaacayaan.

Haddii raggu ay diidaan in ay dhagaystaan xaasaskooda waa in, ulaha oo loo yaqaanno mogri, kuwaasoo lagu garaaco dharka la maydho, “ay hadlaan” buu yidhi.

Bartiisa Facebook ayuu soo dhigay caruusado ulo sita. 10,000 oo ulood ayuu dalbay.

Guur wadareedyada ayaa laga sameeyaa Hindiya si dadka dakhligoodu hooseeyo looga caawiyo in ay is guursadaan iyagoon wax kharash ah bixin.

bandhige@gmail.com