Waxa Hargeysa maanta si weyn looga xusay Maalinta AIDS-ka Adduunka

 

1-da bisha Diisambar waxa sannad walba dunida laga xusaa maalinta adduunka u aqoonsaday maalinta AIDS-ka adduunka taasi oo somaliland laga bilaabay 1995-kii wakhtigaas oo ay  dad badani dafirsanaayeen xanuunka AIDS-ka.

Xaflad si weyn loo abaabulay oo lagu xusayey Maalinta AIDS-ka Adduunka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiiru-dawladdaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud, Agaasimaha Komishan la dagaalanka iyo xakaymaynta AIDS-ka Abiib Axmed Cali, Xildhibaan Xasan Cawaale oo ah Guddoomiyaha Guddida arrimaha bulshada golaha Wakiilada, masuliyiin kale duwan oo ka socday Ha’yaddaha Waddaniga ah iyo ku caalamiga, dhallinyaro iyo dadweyne aad u tiro badan.

Ugu horeyn waxa xafladan ka hadlay Agaasimaha Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Abiib Axmed Cali oo u horeyn halkaa uga mahadnaqay dhammaan ka soo qayb galayaashii xuska iyo ururadii gacanta weyn ka gaystay qabashada xafladan.  Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xanuunka waxa uu ka badan yahay Afrika, waxaanu maanta halkan idinka doonaynaa sidii aad ruwaayadu ku daawateen in aad ka barataan waxyaabaha laguj kala qaado kadib aad u gudbisaan bulshada inteeda kale.”

Kadib markii uu agaasimuhu hadalkiisii dhammeeyey ayaa waxa si rasmi ah u furay xaflada xuska maalinta AIDS-ka adduunka.

Sidoo kale waxa iyaguna xafladaas ka hadlay masuuliyiin kale duwan oo ka socday ururada bulshada iyo Ha’yaddaha caalamiga kuwaasi oo sharaxaad dheer ka bixiyey ujeedada xuska AIDS-ka adduunka taasi oo gabi ahaan dunida laga xusi maalintan.

Intii ay socotay xaflada xuska maalinta AIDS-ka adduunka waxa lagu soo bandhigay ruwaayado ka turjumaya wacyi gelinta xanuunka AIDS-ka iyo fariimo ka hadlaya in aan la takoorin dadka la nool xanuunka.

Ururka Somaliland Y-PEER ayaa waxa ku soo bandhigeen intii ay socoday xafladdu filimka ka hadlaya wacyi gelinta xanuunka AIDS-ka kaasi oo xambaarsanayaa macluumaad tiro badan.

Filimka ayaa waxa uu xambaarsan fariimo caafimaad oo la xidhiidha cudurka AIDS-ka kaasi oo loogu talo galay in laga matalo dugsiyada sare. Qisadeeduna waxay ku saabsan tahay arday dugsi sare oo macalinkoodii uu siinayo cashar ku saabsan HIV iyo AIDS kadib markii ay isaga iyo guddoomiyiha ardayda ay Wasaaradda Waxbarashadu ku casuuntay aqoon-is-weydaarsi lagaga hadlayey HIV iyo AIDS  iyo sida uu ku fido.

Markii ay dugsiga ku soo laabteen macalinkii iyo guddoomiyihii ardaydu waxay bilaabeen in wixii ay soo faa’iideysteen ay ardayga uga sii faa’iideeyaan. Waxay ogaadeen in aanay ardaydu aqoon badan u lahayn HIV iyo AIDS. Waxayna kala kulmeen weedho badan iyo waxyaabo khaldan oo la iska aaminay oo aan run ahayn. Waxay dood adagi ka dhex abuurmaysaa macalinkii iyo ardaydii dhexdoodaba, wakhti badan ayaanay qaadanaysaa in wax kasta la isla fahmo.  Ugu dambaynta ardaydu waxay noqonayaan qaar fahansan HIV iyo AIDS isla markaana aan takoorin dadka qaba HIV iyo AIDS.

Xildhibaan Xasan Cawaale oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Baarlamaanka ayaa waxa uu balanqaaday in uu xeerka xakamaynta iyo ka hortaga AIDS-ka horgayn doonaan baarlamaanka, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Anigoo ah ku hadlaya afka Guddida Arrimaha bulshada baarlamaanka waxaan idiin balan qaadayaa in aanu hor gayn doono xeerkan Golaha Wakiilada.”

Sidoo kale waxa xafladan ka hadlay Wasiiru-dawladdaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud oo sheegay in ay muhiim tahay in uu qof isbaadho oo uu ogaadoo xaaladiisii caafimaad, taasi oo qaranka iyo bulshada ay muhiim u tahay.  Markii uu ka hadlayey arrimaha baadhitaankana waxa uu yidhi:

“Anigu waxaan is baadhay 2013-kii, maalintaas wakhtiga aanay tagay baadhitaanku waxay ahayd 11-kii subaxnimo, halkaas oo aan arkay markii aan shaybaadhka ku gudo jiray shan qof oo casaan marsan yahay markaas ayaa waydiiyey qofkii shaqaalaha ahaa ee goobka hayey, markaas  ayuu igu yidhi waxa weeyi shan qof oo laga helay xanuunka. “

Xuskan ayaa waxay ururada la shaqeeya komishanka xakamaynta AIDS-ku xooga ku saarayeen in ay sameeyaan isbaadhitaan oo ay ogaadaan xaaladooda caafimaad iyo sidoo kale waxay xubnaha baarlamaanka Somaliland ugu baaqeen in ay ansixiyaan xeerka xakamaynta iyo ka hortaga xanuunka AIDS-ka, kaasi oo noqonaya xeerkii lagu maamuli lahhaa xakamayn lahaa iyo wacyi gelin bulshadaba.1 2 3 dsc06262 dsc06267 dsc06268 dsc06271 dsc06316 dsc06317 dsc06320 dsc06324 dsc06340 dsc06341 dsc06348 dsc06368 dsc06370

 

bandhige@gmail.com