Waxa xalay si rasmi ah loo soo xidhay tartanka kubadda laliska ee Bisha Ramadaanta

Tartankan oo socday bishii ramadaan ayaa xalay lagu soo gunaanaday garoonka dhallinta Ee 31May, iyada oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ay kamid yihiin agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Khadar Xaaji Yuusuf , gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Laliska JSL mr Cabdalle Cali Ismaaciil iyo marti sharaf kala duwan oo xidhitaankaasi joogtay.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa caawa waxaa isku arkay kooxda Labis-kaab iyo Kooxda atlanta, iyada oo halkaasi koobkii ay ku hanteen kooxdii ku ciyaaraysey Labis-kaab.

bandhige@gmail.com