Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Ergeyga Qaabilsan Wadahadalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray  dib-ugu magacaabay ergeyga gaarka ee Wadahadaladda Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha shalay ayaa dib loogu magacaabay ergeyga wadahadalka Soomaaliya Drs Edna Adan Ismaaciil, Waxaanay u dhignayd sidan;

Markaan arkay qodobka 90aad ee Dastuurka JSL, markaan ku qancay muhiimada ay leedahay dib-u-bilaabida wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Markaan tixgeliyey mudaddii ay ahayd ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Soomaaliya, waxaan go’aamiyey inaan mar kale u magacaabo in Edna Adan Ismaaciil noqoto ergeyga Somaliland u qaabilsan arrimaha wadahadalada Soomaaliya.

Wareegtada Madaxweynaha Md. Muuse ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu 3da April 2023 u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed ergeyga gaarka ah ee qaabilsan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

bandhige@gmail.com