Waxay doonaysay in ay madaxweyne noqoto, waxayse ku dambaysay xabsi

 

Diane Rwigara waa 37 jir baratay xisaabiyenimo. Waxay ahayd haweenayda kali ah ee isku dayday in ay doorasho la gasho Madaxweynaha muddada dheer u soo talinayey Rwanda Paul Kagame doorashadii dhacday 2017.

Waxay furatay xisbi la yidhaa People Salvation Movement (Itabaza). Haseyeeshee waxa tareenka tartanka laga tuuray ka hor intii aanay doorashadu bilaabmin, waxaana lagu eedeeyey in tiradii saxeexyada ee loo baahnaa si ay murashax u noqoto ay keeni kari wayday laakiin ay musuqmaasuq samaysay oo ay keentay saxeexyo been ah oo qaarkood ay yihiin dad dhintay. Waxaana la taxaabay toddobaadkii inna dhaafay.

Diane Rwigara oo marka horeba ahayd qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka iskuma ay fiicnayn nidaamka dalkaas ka jira, laakiin xaaladdan oo kale ma ay suuraysanayn.

Diane waxay ka soo jeedaa qoys iska ladan. Waxay deganayd guri weyn oo ku yaala duleedka magaalo-madaxda. Eheledeedu waxay sheegeenn inย Diane Rwigara ku dhiiratay murashaxnimada markii ay aragtay horumarka dalkeeda ka jira iyo nadaafadda dariiqyada magaalo-madaxda Kigali waxayna isku qancisay in dimuqraadiyadi ay suurtogal ka tahay dalkeeda, laakiin waa ay khaldanayd.

Rwanda waxa lagu tilmaamaa waddan ay dumarku ku naaloodaan saaxaddiisa siyaasadda isagoo ah waddanka tirada ugu badan ee dumar ahi ay ku jiraan baarlamaankiisa. Laakiin xaaladdu taas way ka duwan tahay marka ay noqoto in lala tartamo Madaxweynaha.

Tartankii laga reebay Diane Rwigara waxay guushu raacday Paul Kagame oo ku guulaystay 99% sida ay tibaaxeen Guddida doorashada ee dalkaasi. Laakiin dadka doorashooyinka ka faallooda ayaa tiradaas ku sifeeyey mid aan macquul ahayn.

Rwanda waxa u taliya Paul Kagame oo dalkaas madaxweyne ka noqday sannadkii 2000 laakiin muddo dheer oo ka horaysayna si dadban majaraha ugu hayey dalkaas maadaama sida la sheegay uu ahaa Madaxweyne-Xigeen ka awood badan Madaxweynaha. Waxa lagu xantaa in uu yahay 60 jir kali-taliye ah oo waxqabad wanaagsan. Iska daa in uu xilka ka dego’e waxaabu sannadkii 2015 meel-mariyey sharci u oggolaanaya in uu madaxweyne ahaan karo ilaa sannadka 2034.

Xubnaha xisbigaย People Salvation Movement iyo taageereyaasha Diane ayaa sheegay in ay xataa ka hadli kari waayeen amba cambaarayn kari waayeen xadhiga hoggaamiyahooda sababtoo ah sida ay sheegeen waxay u baqeen naftooda iyadoo ay Rwanda tahay waddan faafreebka, is-daba-galka iyo cagajuglaynta siyaasadda la xidhiidhaa aad u sarrayso.

Diane Rwigara haatan xabsiga ayay ku jirtaa, waana xukun-suge. Xadhigeedu wuxu soo jiitay indhaha caalamka, waxaana laga dhur sugayaa waxa lagu eedeeyo iyo waxa lagu xukumi doono.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga Ah.