Waxgaradka iyo Madaxdhaqammeedka degmada Balli-mataan, Higlada iyo Hargeysa waxay taageero u muujiyeen Murrashaxa KULMIYE

 

Cuqaasha, waayeelka , Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelaha Gaashaanbuur Ciidagale ayaa taageerro u muujiyay murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE .

Munaasibad qaddo-sharaf ah oo guddoomiyaha ahna murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi u sameeyay Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Gaashaanbuur Ciidagale oo maanta ka qabsoontay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa laysla qaatay inay beesha Gaashaanbuur Ciidagale cod iyo cududba ku taageerto Xisbiga KULMIYE iyo murrashaxa Muuse Biixi Cabdi .

Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Xuseen dhabeeye oo ugu horeyn furay kulanka qaddo-sharafka ah ayaa odayaasha beesha Gaashaanbuur Ciidagale uga mahadnaqay sida ay u soo ajiibeen munaasibada qaddo sharafta ah, wax aannu uu faahfaahiyay ujeedada kulanka oo ahaa isxog waraysi iyo qaddo.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlay munaasibada ayaa odayaasha iyo Waxgaradka beelweynta Gaashaanbuur Ciidagalle inay soo ajiibeen Martiqaadkii xisbigu u sameeyay waxaanna uu sheegay inay munaasibadani tahay oo kaliya mid isxog waraysi ah.

Chief Caaqil Cabdiwali Jaamac Cabdi, Chief Caaqil Jaamac Muuse Gamadiid, Caaqil Mawlid Iimaan Mooge iyo Oday Ibraahim Abdi Dayac ayaa si weyn ugu nuuxnuuxsaday taageerada ay ka beel ahaan u hayaan Xisbiga KULMIYE.

Cuqaasha iyo Waxgaradkani ayaa guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ugu mahadnqay kaalintii horumarineed ee uu ka gaystay degmada Balli-mataan.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii soo xidhay munaasibadda qaddo sharafta ahayd ayaa Odayaasha iyo Waxgaradka uga mahadceliyay taageeradooda xisbiga KULMIYE iyo isgarab taaggooda wax aanna uu sheegay inay tahay mid uu ka filayay.

bandhige@gmail.com