Weerar hubaysan oo Boorama ka dhacay, waxa gaar loo beegsaday ganacsiga Muuse Caamir

Sida uu ku soo waramayo weriyaha Bandhige ee Boorama, rasaas darandoori u dhacaysay oo dhawaqeedu cabbaar kala gu’i waayey ayaa goor dhawayd oo cawaysinkii ah laga maqlay Boorama.

Wararka hordhaca ahi waxay tibaaxayaan in tiro lagu qiyaasay 6 nin oo wajiga soo duubtay ay beegsadeen bakhaarrada uu Boorama ku leeyahay ganacsade Muuse Caamir kadibna ay rasaas oodda kaga qaadeen.

Wali lama sheegin khasaare dhimasho ah, laakiin wararku waxa ay sheegayaan in laba nin oo midina bakhaarka lacag ka sarifanayey mid kalena barbarkiisa taagnaa ay ku dhaawacmeen falkan.

Ragga weerarka soo qaaday oo si culus u hubaysnaa isla markaana aan wali haybtooda la aqoonsan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay qaateen hanti aan xaddigeeda oo sugan la cayimin oo bakhaarradan dhex taallay.

Ilaa hadda lama garanayo sababta ay kooxdani gaarka ugu beegsadeen ganacsiga Muuse Caamir.

Muuse Caamir oo ka mid ah ganacsatada ugu caansan gobolka Awdal waxa ay jifo hoose isku yihiin Suldaan Wabar oo in muddo ah Somaliland ka soo horjeeday isla markaana dhawr jeer ay jabhaddiisu weeraro sidan oo kale ah ku soo qaadday Boorama iyo deegaano kale oo ka tirsan Awdal.

Saddexdii bilood ee ugu dambeeyey wax dhaqdhaqaaq ah ma ay samayn Suldaan Wabar jabhaddiisu iyada oo uu dhawaanna ka tagay maayarkii hore ee Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile “Cabdi-Buur” oo loo arkayey hoggaamiyaha labaad ee ugu muhiimsan jabhadda, taas oo dad badan u muujisay in cimriga jabhadda Suldaan Wabar ay soo gaabanayso.

Cabdi-Buur ayaa dhawaan lagu arkay baraha bulshadu ku wada xidhiidho isaga oo Maraykan jooga oo la sawiran xubno ka mid ah jaaliyadda Awdal ee Seattle.

Wali lama oga in weerarkan uu gaystay Suldaan Wabar iyo in ay kooxdani yihiin budhcad xoolo-doon ahayd. Ilaa iyo haddana wax war ahi kama soo bixin maamulka gobolka Awdad.

Hoos ka akhriso faallo hore ku saabsan Suldaan Wabar iyo jabhaddiisa.

Weerarka Suldaan Wabar iyo hawlgalladiisii hore

Bandhige@gmail.com