Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo ka gaws-adaygay heshiiska nabadda iyo hoggaamiyaha macaaridka oo saxeexay

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa ka maagay in uu saxeexa ku duugo heshiiska nabadda ee ay ka shaqaysay IGAD, kaas oo uu dhexdhexaadiye ka yahay Seyoum Mesfin oo muddo dheer ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya khibrad dheeraad ahna u leh xallinta khilaafaadka.

Heshiiskan waxa looga dan lahaa in lagu soo af-jaro rabshadihii labadii sanno ee u dambeeyey ka socday Koonfurta Suudaan kuwaas oo sahayday nolosha 10,000 (toban kun) oo qof isla markaana barakiciyey 3 malyuun oo qof.

Hase ahaatee waxa heshiiska aan u laba-lugoodin oo saxeexay hoggaamiyaha mucaaridka ahna Madaxweyne-Xigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan Riek Machar. Waxa isaguna saxeexay Pegan Amum oo ah xoghayaha guud ee xisbul-xaakimka Suudaan.

Madaxweynaha Suudaan wuxu salaan kooban ka qaaday Riek Machar, wuuna dul taagnaa markii uu hoggaamiyaha mucaaridku saxeexayey heshiiskan, laakiin wuxu codsaday in uu u baahan yahay 15 maalmood oo dheeraad ah si uu dadkiisii iyo intii talada la lahayd ula soo tashado.

Seyoum Mesfin ayaa sheegay in aanu dhib u arag codsigan cusub ee uu keenay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir, isla markaana uu heshiiskani sugi karo 15-ka maalmood ee uu codsaday, kadibna uu Addis Ababa ku soo noqon doono si uu dhinaciisa u saxeexo.

Dadka diblomaasiyadda faalleeya ayaa tibaaxaya in aanu jirin dariiq u bannaan Salva Kiir oo aan ka ahayn in uu saxeexo maadaama Xoghayihii Guud ee xisbigiisa iyo hoggaamiyihii mucaaridku ay saxeexeen.

Koonfurta Suudaan waa waddanka dunida ugu da’yar. Wuxu xornimadiisa ka qaatay Suudaan 2011-kii hase ahaatee Diisambar 2013 ayuu cagaha la galay qulqulatooyin dhammaan waayey.

Maanta ayay ahayd maalintii kama-dambaysta ahayd ee ay IGAD u qabatay soo-afjaridda colaaddan iyo in la gaadho heshiis nabadeed. Haseyeeshee yoolkaas weli lama xaqiijin ilaa inta uu dhiman yahay saxeexa Madaxweyne Kiir.

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha Koonfurta Suudaan.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com