Guddoomiye Cirro wuxu martiqaad caalamiya ka helay Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabadillaahi “Cirro” ayaa sida ay tibaaxayaan wararka aanu helayno wuxu martiqaad ka helay Qaramada Midoobay, wuxuna u socdaali doonaa cariga Maraykanka. Warkan waxa lagu baahiyey barta Waddani ku leeyahay Facebook-ga.

Martiqaadkan waxa helistiisa ka shaqeeyey xukuumadda Maraykanka iyo siyaasiyiin ka tirsan Waddani oo ku dhaqan dalkaas.

Safarkan guddoomiyaha ayaa lagu wadaa in uu kor u qaaddo meeqaamka diblomaasiyadda Guddoomiyaha Waddani iyo xisbigiisa.

Qoraalka uu xisbiga Waddani baahiyey waxa lagu sheegay in socaalkan guddoomiyaha ujeeddooyinkiisa ay ka mid tahay sidii loo dardargelin lahaa raadinta aqoonsi ay Somaliland hesho loona heli lahaa hoggaan sax ah.

Inta uu safarkiisan ku gudo-jiro, Guddoomiye Cirro wuxu la kulmi doonaa jaaliyadaha Somaliland ee Maraykanka iyo xubno ka tirsan aqalka sare ee Maraykanka ee loo yaqaan “senate-ka.”

Marti-qaadkan Guddoomiye Cirro wuxu ku soo beegmay wakhti uu weli aloosan yahay murankii ka dhashay dib-u-dhicii ku yimid doorashada iyadoo haatan la dhawrayo in Maxkamadda Sare ee qaranku ay riddo go’aanka kama-damaysta ah.

Weli ma cadda maalinta gaarka ah ee uu Guddoomiyuhu bixi doono iyo cidda safarkiisa ku wehelin doonta.

bandhige@gmail.com