Wasaaradda Ganacsigu waxay mar kale u digtay ganacsatada bacaha soo dejisa

Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland ayaa mar kale ku celisay dalabkeedii ahaa in la joojiyo soo dejinta bacaha.  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga  Maxamed Sheekh Cumar oo saaka shir-saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa wuxu sheegay in afartii bilood ee loo qabtay in lagu joojiyo soo-dejinta bacahu ay dhammaadeen, sidaas daraadeedna ay ganacsatada khasab ku tahay in ay joojiyaan soo-dejinteeda.

Agaasime Maxamed Sheekh Cumar wuxu tibaaxay in wixii hadda ka dambeeya ciddii lagu helo iyada oo dalka baco soo gelinaysa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan oo ay ugu horrayso in liisanka ganacsiga lagala noqdo.

Agaasimuhu waxa uu ka sheekeeyey dhibta ay ku hayaan bacahu bulshadeena waxaana uu sheegay inay waajib tahay in iyada oo la ilaalinaayo bilicda iyo fayo-dhawrka waddanka uu digreeto ka soo saaray Madaxweyne Siilaanyo. Hadalladii Agaasimuhu shirka jaraa’id ka jeediyey waxa ka mid ahaa:

“Waad ogtihiin Madaxweynuhu wuxu soo saaray digreeto uu ku joojinayo bacaha isagoo gudanaya wajibaadka ka saaran ilaalinta bilicda waddanka iyo fayo-qabka deegaanka. Bacda faa’iidada aan ku qabno waxa ka xoog badan dhibaatada ay innagu hayso. Xooluhu way ku dhintaan marka ay cunaan, dhirtana waad aragteen sida ay isugu maraan. Geed kasta baco ayaa dusha ka saaran” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Digreetada Madaxweynaha kadib Wasiirka Wasaaradda Ganacsigu waxa uu isaguna soo saaray xeer uu ku mabnuucaayo bacaha taas oo loo qaybiyey dhammaan ganacsatada, waxana loo qabtay in ay ku soo af-jaraan muddo afar bilood ah. Afartii bilood hadda way dhammaadeen oo waxay ku ekaayeen 14-kii Ogost. Sidaas ayaanu go’aankaasi hadda meel-mar ku yahay.

Ugu dambayn Agaasimuhu wuxu dadweynaha Somaliland ugu baaqay in ay taageeraan go’aankan oo dalka iyo dadkaba faa’iido u leh.

 

Bacaha waxa Somaliland lagu isticmaalayey muddo dheer oo tobanaan sanno ah, sidaas daraadeed lama oga sida uu ku hirgeli doono iyo goorta uu hirgeli doono. Sidoo kale lama oga in wixii bacda lagu beddelan lahaa oo dhammaystiran ay dalka yaalaan.

Bandhige@gmail.com