Weerar qaxar oo ka dhacay Bakistaan ayaa waxa ku dhintay 70 qof

Weerar qarax oo ay shalay ka dhacay Bakistaan gaar ahaan dad u dabaal-degayey istarka ayaa waxa ku dhintay 70 qof, sidoo kalena waxa ku dhaawacmay tiro gaadhaysa 300 oo qof.

Kooxda ka go’day Taalibaan ee la yidhaahdo Jamaacatul Axraar ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Dawladda Bakistaan waxay heegan gelisay dhammaan cisbitaaladda, waxaanay ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq ah.

Guud ahaan Madaxda caalamka ayaa cambaareeyey weerarka isqarxinta ah ee ay qaadeen kooxda Jaamacadda Axraar.

Dadka ku dhintey weerarkan ayaa waxay u badan Masiixiyiin u dabaal degayey munaasibadda Istarka la yidhaahdo.

Sidoo kale goobjoogayaal meesha ku sugnaa ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen caruur iyo haween.

Kooxda Jamaacatul Axraar ayaa horay ugu dhowaaqay in ay weeraro qaadi doonaan.

 

bandhige@gmail.com